Ha lay dhoofsho (Teys ma laha taaloogga iyo timo la xiiraaye

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
LAFO-LAFO
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2215
Joined: Tue May 25, 2004 7:00 pm
Location: Support The governor of the die-hard nationalist Ali Sandule
Contact:

Ha lay dhoofsho (Teys ma laha taaloogga iyo timo la xiiraaye

Post by LAFO-LAFO »

Maxamed Kaahin Feedhoole. (HY)

Enjoy, Xigmadda Abwaanka iyo dhaqankeena


Tixda gabay Maxamedow beryahan waanigaan tirine
In dhoweydba waataan ka tegey Ta iyo Wowgeede
Ma tilmaamin maansooyinkaan teeb garayn jiraye

Xaluun baan tawalay goor dhaxay tahay allaylkiiye
Kolkii uumiyuhu wada tarquday Tammani lay keenye
Tuu alifka oo dhacay hurdada taw ka soo idhiye

Waxaan tebayo mooyee qalbigu taami noqon waaye
Tusaalaha adduun iyo walaac la igu soo tuurye
Tog yar iyo bannaan iyo anoo tuban ka baaqaaya

Taalloolayaal iyo anoo taaggi siraw jooga
Toomaha walwaaleed anoo torog ku maalaaya
Anigoo tusmada reerkayaga talada goynaaya

Taajkiyo garoomaha anoo laygu wada tiirshay
Ayuun baa la ii tumay durbaan taarna ii yimiye
Dabadeed tallaabo iyo orod taw ku soo idhiye

Tammuunkii ku imi meel jinnoo aan tamadinayne
Tawaahida waxaan lahaa fuluus tuulan baad heliye
Tabtaan ku arkay iyo caynkan ay tahay ma moodeyne

Waxa tuban kun tamar laawe aan tacabna eegayne
Talaatiin gu qaar joogay baan toob u xaadirine
Tanna xoogsi kama soo taraan taasna laga waaye

Taf la jiido iyo bay hayaan tookha debedeede
Teys ma laha taaloogga iyo timo la xiiraaye
Aniguna tabtoodii haddaan yara tacliimeeyey

Mar haddaanan teeb iyo waraaq teybal dhiganaynin
Turjubaan afkiisii haddaanan ugu tiraabaynin
Mar haddaanan faaltow tegiyo turugsi raacaynin

Kol haddanan telifoonka iyo taarka qabanaynin
Marse hadduu tabtaa yahay kuwii teedhi seben joogey
Way tala xumaan Maxamadoow tanoo andhawrtaaye

Tacliin aabahay wuxu i baray tooyyo soo godole
Tiska oodda iyo baan iqiin tirada xoolaaye
Intii aan tuldaha baas wad wadey rag iga tooreeye

Waxba gabaygu yuu ila taffine waxaan ku taalleeyey
Mugga waan tegaayaa haddaan taabo nooliga e
Tabantaabo gacal baan rabaaye tolow ha lay dhoofsho.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”