Gudhis: Ciidammada gumaysiga oo xadgudubyo u gaystay dadwaynaha
Source: somalitalk
Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay xadgudubyo kala duwan oo ciidammada dac-darraysan ee gumaysatada Itoobiya ay u gaysteen dadwaynaha ku dhaqan nawaaxiga Gudhis, waxay sidoo kale dadwaynahaas ka boobeen hanti aad u fara badan. Ciidammada gumaysiga ayaa xadgudubyadan dadwaynaha u gaystay, ka dib markii maalmo ka hor si wayn loogu jabiyay dagaal halkaas ka dhacay.
Markii ay taariikhdu ahayd 27/01/07 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Gudhis iyo nawaaxigeeda ka qafaasheen 45 nin, kuwaasoo ay ku rarteen sahaydii iyo adeeggii kale ee ay wateen. Dadkan ay ciidammada gumaysigu qafaasheen waxaa ka mid ah;
1-Mukhtaar Muxumed Tulux
2-Xasan Maxamed Aw Cali
3-C/nuur Muxumed Geelle
4-C/llaahi Kaad Sh Maxamed
5-Cabdi Sh Maxamed
6-C/llaahi Dheeg Maxamed
7-C/llaahi Wali Yuusuf
8-Shariif Suldaan
9-Maxamed Nuur Faarax
10-Manqas Muqaddin
11-Xuseen-Waddo
12-Bashiir Maxamed Nuur
13-Cabdi Xasan
14-Muxumed Cabdi Xayi
15-Gorad Maxamed Yare
16-Saalax Cabdi Xaashi
17-C/nuur Gadhwayne
18-Xabiib Sh C/raxmaan
19-Ibraahim Dhuubane Budul
20-Muxumed Sh Cumar
21-Axmed Wali Sh Mukhtaar
22-Cabdi Sanyare iyo
23-Busuri C/qaadir
Waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu ka dheceen dadwaynaha ku dhaqan Gudhis iyo nawaaxigeed lacag gaadhaysa 30,000 oo Bir. Waxaa kaloo intaas dheer iyagoo dadwaynaha ka qashay ilaa iyo 60 Neef oo Adhi. Qaar ka mid ah dadwaynaha ay Adhyaha ka qasheen ayaan magacyadooda helnay, waxayna kala yihiin;
1- Sh Maxamed Cabdi Xasan oo ay ka qasheen 7 Neef oo Adhi ah
2- C/raxmaan C/llaahi Hudle oo 13 Neef oo Adhi ah laga qashay iyo
3- Muxumed Suufi oo isagana 9 Neef oo Adhi ah laga qashay
Wuxuu kaloo wariyhu noo soo sheegay in markii ay taariikhdu ahayd 01/02/07 ay ciidammada gumaysigu sidoo kale hanti fara badan ka boobeen dadwaynaha ku dhaqan Caynuun, isla markaana ay qaar dadwaynaha ka mid ah qafaasheen, si ay agab kala duwan ugu rartaan.
Intii u dhaxaysay 26 ? 27/01/07 waxay ciidammada gumaysigu gubeen dhul-daaqeen ballaadhan oo ku yaalla deegaannada Duud Taleefan iyo Digawayne.
Dhinaca kale dagaal ciidammada xoreynta Ogaadeenya iyo kuwa cadowga ku dhex maray meesha lagu magacaabo Gar-balaayo, oo ka tirsan Dagaxle,
waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 20 askari.
IS THIS HOW TIGRES LOVE SOMALIS? !!!!!!!!!!!!!!!
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.

-
Daanyeer
- SomaliNet Super

- Posts: 15780
- Joined: Tue Aug 12, 2003 7:00 pm
- Location: Beer moos ku yaallo .biyuhuna u muuqdaan
Re: IS THIS HOW TIGRES LOVE SOMALIS? !!!!!!!!!!!!!!!
Dagaal qaraar oo ka dhacay dhulka ismaamulka Somalida Ethiopia
B/weyne 28, Feb.07 ( Sh.M.Network) Ilaa 4 ruux ayaa ku geeriyootay dagaal u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed oo shalay ka dhacay deegaano ku dhow dhow tuulooyinka Labo Baar iyo Baar magoog oo ka tirsan dhulka Ismaamulka Somalida Ethiopia.
Dagaalkaan oo ka qarxay mar kale dhulka Miyiga ah ee ka baxsan tuulooyinka labo Baar iyo Baar Magoog ayaa waxaa ku nafwaayay inta la og yahay 4 ruux halka tiro 8 kor u dhaafeysana uu dhaawac ka soo gaaray sida ay sheegayaan wararka laga helayo deegaanadaasi.
Dadkii ku dhaawacmay dagaalkaan ayaa waxaa la gaarsiiyay Tuulada Garijir oo horey ay u yaaleen dad dhaawacyo qabay.
Xiisada u dhaxeysa labadani beelood ayaa cirka isku shareertay ka dib markii odayaal nabadoono ah oo ka tagay gobolka Hiiraan ay ka niyad jabeen xarigga ciidamada Ethiopia ay u geysteen waxgarad ka tirsan labada beelood ee ishaya.
Dhinaca kale shalay ayaa la sii daayay ilaa 20 odayaal dhaqameedyo oo maalmo xarig ciidamada Ethiopia ay ugu heysteen deegaanka Feer-feer, waxaana ay u baqooleen goobaha haatan xasaraduhu ay ka taagan yihiin si ay wada hadalo ugu dhameeyaan khilaafka dhaliyay gacan ka hadalka.
Sii deynta odayaashaan ayaa waxaa ka dambeeyay xubno ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan oo gaaray deegaanka Feer Feer, kuwaasi oo ku guuleystay in ay ka dhaadhiciyaan saraakiisha Ethiopianka in la sii daayo Salaadiintaasi.
Cumar Kiyow
Shabelle Media Network Hiiraan

- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 334 Views
-
Last post by Enemy_Of_Mad_Mullah
-
- 14 Replies
- 8350 Views
-
Last post by Nawal9
-
- 4 Replies
- 1442 Views
-
Last post by GalliumerianSlayer
-
- 9 Replies
- 1737 Views
-
Last post by EvolSyawla
-
- 0 Replies
- 316 Views
-
Last post by Somaliweyn
-
- 10 Replies
- 765 Views
-
Last post by Enemy_Of_Mad_Mullah
-
- 7 Replies
- 725 Views
-
Last post by fagash_killer
-
- 3 Replies
- 3079 Views
-
Last post by The_Patriot
-
- 59 Replies
- 2182 Views
-
Last post by Alchemist