MISSION ACCOMPLISHED IN MOGADISHU

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
shaab_
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1327
Joined: Mon Feb 12, 2007 6:08 pm
Location: Mogadisho

MISSION ACCOMPLISHED IN MOGADISHU

Post by shaab_ »

Mogadishu 26, April.07 ( Sh.M.Network) Dowladda KMG ah ee Somalia ayaa sheegtay in ay uu soo gabogaboobay intii badneyn dagaaladii ka socday magaalada Muqdisho.

Ka dib shir Jaraa'id uu ku qabtey Ra'isulwasaaraha Somalia hoyga uu ka dagan yahay magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay in in ay guulo ka gaareen dagaalka 8 cesho ka soconaya magaalada Muqdisho.

Geedi oo saxaafadda ugu yeeray hoygiisa ayaa ka dhawaajiyay in aanu dhici doonin dilal ku saleysan aargoosi, isagoo ugu baaqay ciidamada dowladda KMG ah in aysan sameyn falal lagu waxyeeleynayo qof kasta oo ku sugan goobihii lagu dagaalamay.

Ra'isulwasaare Geedi waxa uu ka dalbaday dadka hubka heeysta ee dagaalada aanu ku jirin in aysan ka soo bixin guryahooda, una diyaar garoobaan si loo diwaan galiyo.

Waxa uu ku amray ciidamada dowladda KMG ah in ay sii dabo galaan kuwa ku dhuumaaleysanaya guryaha ayna baaraan wixii hub ah ee ay wateen ciidamadii la dagaalamayay.

Ra'isulwasaare Geedi ayaa waxa uu shacabka Muqdisho ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan si ay ugu soo laaban lahaayeen guryahooda wixii berri ka bilowda, isagoo ku dhiiri galiyay shacabka Somaliyeed in la joojiyo wixii wax u dhimaya umadda Somaliyeed ee mudada dheer dhibaatada ku soo jirtey.

Hadalka Ra'isulwasaare Ghedi ayaa ku soo beegmay xilli dagaalo qaraar ay ka soconayaan qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
User avatar
Somali-Transporter
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4064
Joined: Thu Jun 15, 2006 8:19 pm
Location: ******
Contact:

Re: MISSION ACCOMPLISHED IN MOGADISHU

Post by Somali-Transporter »

He said tomorrow.. those people who fled can come back..! Laughing Laughing Laughing Laughing

How can you people belive Dameer or Donkey..!
shaab_
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1327
Joined: Mon Feb 12, 2007 6:08 pm
Location: Mogadisho

Re: MISSION ACCOMPLISHED IN MOGADISHU

Post by shaab_ »

spoke with family in xamar

tfg are on the winning lead
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”