Culuma-udiinka Gobolka Nugaal oo ku dhaliilay maamulka DGPL in aysan dan iyo heela-toona ka lahayn
Warkii 19-May-2007 iyo Qormadii: Maxamuud Cumar Bille
Dadka u dhimanaya cudurka shuban biyoodka. Salaadii Jimcaha, ka dib ayaa masaa'jida waa-weyn ee magaalada Garoowe qaarkood waxaa dhaliil uga soo jeediyey maamulka Culuma-u-diinka waxayna sheegeen in maamulku ka gaabsaday wax ka qabadka cudurka shubanka oo fara-ba'an ku haya dadka ku nool Gobolka Nugaal.
Culumadu waxay sheegeen in cudurkaan uu yahay mid ahli ah oo ka mid ah cudurada laynku imtixaamayo. Shiikh C/qaadir Nuur Faarax oo ka mid ah culumada ka hadashay cudurkaan, ayaa sheegay mar uu booqasho ku tagey isbitaalka Guud ee Garoowe in uu halkaas ku soo arkay wax uu aad uga naxay.
Shiikhu wuxuu yiri, waxaan ku arkay dad aad u fara-badan oo u daadsan cudurkaan oo u badan dumar iyo caruur, oo aan cidna la tacaalayn daryeelkooda, marka laga reebo un dadka qaraabadooda ah ee haya.
Shiikhu wuxuu yiri, waxaa doorkii gabay maamulka oo dadka canshuurta kaliya ka uruursanaya balse, aan waxba ugu qabanayn. 'Maamulku uma aysan waayin dhaqaale dadka muwaadiniinta ah , oo waxay haystaan ilo badan oo dhaqaale sida dekad, iyo furdado kale sida garoomo caalami ah, dalkuna wuxuu leeyahay khayraad ku filan., balse waxaan laga lahayn dan dadka u dhimanaya cudurka.
Shiikhu wuxuu intaas ku daray in hadii la yiraahdo nin gaal ah baa la afduubtay tenegyo, calamo, qoob iyo qaylo laysku daro oo loo baroor diiqo, balse haddii dad Islaam ah oo masaakiin ah naftu uga baxayso cudur iyo gaajo aan loo soo dhaqaaqayn, arintaas oo wadaadku ku tilmaamay halaag.
Anagu raali kama nihin gaal aan waxba galabsan in la afduubto, balse waxaa xaaraan ah in loo baroordiiqo.
Shiikhu wuxuu kaloo intaas ku daray in laysku xiro Allaah, oo ina siiyey maal ina ku filan ee aan Xoolo Gaalo laysku xirin oo hada laba caadeystay baryada gaalada in lays ku xiro.
Maalin dhoweyd bay ahayd markii M.ku-Xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland, Xasan Dahir Maxamuud iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Puntland ay soo booqdeen Isbitaalka Guud ee Garoowe balse wax dadka loo qabtay oo muuqda ilaa haatan majiraan. Culumada qaarkood ayaa wax un daawo ah ugu deeqay dadka bukaanka ah ilaa hada.
Maxamuud Cumar Bille
Gaalkacyo.
mcbille@gmail.com
Culuma-udiinka Gobolka Nugaal oo ku dhaliilay maamulka DGPL
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 263 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 8072 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 2 Replies
- 574 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 13 Replies
- 1586 Views
-
Last post by abdisamad3
-
- 0 Replies
- 350 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 562 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 25 Replies
- 1887 Views
-
Last post by The Magnificent
-
- 5 Replies
- 1013 Views
-
Last post by Gaashaanle_87
-
- 12 Replies
- 870 Views
-
Last post by xaseey
-
- 2 Replies
- 591 Views
-
Last post by Siciid85