Isbahaysi cusub oo ay ku mideysan yihiin Golihii Maxkamadaha Islaamka, Barlaamaanka Xorta iyo Jabhadaha ONLF iyo OLF, oo looga dhawaaqay Caasimaada dalka Eriteria ee Asmara
Muqdisho Jimco 09/06/07 (SMC)
Isbahaysi Kooxo ku kacsan Dowladda Federalka Somalia iyo tan Dowladda Ethiopia, oo taageero ka helaya Dowladda Eriteria, ayaa lagu asaasay Caasimadda dalka Eriteria ee Asmara.
Ilo-wareedyo ay Idaacadda Codka Maraykanka soo xooraansatay, ayaa lagu ogaaday inay Kooxo ku kacsan Dowladda Federalka Somalia iyo tan Dowladda Ethiopia ay Isbahaysi ay ku mideysan yihiin kaga dhawaaqeen dabayaaqadii bishii hore ee May Shirweyne ay ku yeesheen Caasimadda dalka Eriteria ee Asmara.
Warbixinadda laga helayo ilo-wareedyo ku dhow xubnaha ugu muhiimsan Kooxaha ku dhawaaaqay Isbahaysiga, waxay Shirweynahaasi ugu magac-dareen “Kulankii Midowga iyo Heshiiska”, iyadoo uu Madaxweynaha dalka Eriteria, Issias Efewerki uu si wadajir isugu keenay ugu yaraan Afar Koxoood oo kala ah Golaha Maxkamadaha Islaamka Somalia, Xubnihii hore ee Barlaamaanka Somalia ee la magac baxay Barlamaanka xorta ah iyo Jabhadaha Xoreynta Ogaden National Liberation Front “ONLF” iyo tan Oromadda ee Oroma Liberation Front “OLF”.
Wararku, waxay sheegayaan inay Kulaankaasi ka soo qeyb gaaleen Hoggaamiyaha Guddigii Fulinta ee GMIS, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Taliyaha Ciiddamadda ee Jabhadda Xoreynta Ogaadeeniya “ONLF” Admiral Maxamed Cumar Cismaan iyo Ra’isul-wasaare-ku-xigeenka Koowaad ee DFKMGS ee gadoodsan, Engineer Xuseen Maxamed Caydiid.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa waxay tilmaamayaan in Sheekh Shariif Sheekh Axmed loo magacaabay Madaxa Garabka Siyaasadda ee Isbahaysiga Cusub, halka Admiral Maxamed Cumar Cismaan loo magacaabay Madaxa Garabka Milliteri ee Isbahaysiga mucaadka ku ah Dowladaha Federalka Somalia iyo tan Ethiopia.
Dhinaca kale, Isbahaysiga u midoobay la-dagaalanka Dowladaha Somalia iyo Ethiopia, ayaa waxa uu asaaskiisa ku soo beegmay iyadoo ay Kumanaan Ciiddamo Somali iyo Ethiopian ah ay hawlgallo xooggan ka wadaan gudaha Magaalladda Muqdishu, isla markaana ay ku soo qabteen shixnaddo hub ah oo aad u fara badan, oo qaarkood lagu qariyey dhulka hoostiisa.
Xeeldheerayaasha, ayaa rumeysan in dhismaha Isbahaysigaasi uu carqalladeyn xooggan ku noqon karo dadaalka loogu jiro Deganaanshaha iyo Dib-u-hehsiisiinta dalka Somalia , isla markaana uu dagaalku u xuub-siiban karo Dagaal Saddex Geesood ah oo saamayn ku yeelan doona qeybo ka mid ah dalalka Somalia, Ethiopia iyo Eriteria.
Xigasho:- VOA and Agencies
BREAKING NEWS ICU ONLF AND OLF UNITES IN ERITREA
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- The_Emperior5
- SomaliNet Super

- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 689 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 5 Replies
- 1198 Views
-
Last post by XXX SNIPER XXX
-
- 4 Replies
- 693 Views
-
Last post by Executive
-
- 6 Replies
- 1191 Views
-
Last post by yourboy
-
- 4 Replies
- 642 Views
-
Last post by Lacageylacag
-
- 3 Replies
- 1406 Views
-
Last post by biko
-
- 50 Replies
- 6995 Views
-
Last post by DayrBare
-
- 2 Replies
- 599 Views
-
Last post by Hyperactive
-
- 0 Replies
- 287 Views
-
Last post by galia