9ruux oo ku geeriyootay weeraro iyo qaraxyo xalay iyo shalay galab ka dhacay caasimadda
Click here to find shabelle news in English
Mogadishu 20, June.07 ( Sh.M.Network) Ilaa 9 ruux ayaa ku geeriyootay inta la ogyahay tiro kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray ka dib weeraro iyo qaraxyo kala duwan oo xalay saqdii dhexe iyo shalay galab ka dhacay caasimadda Somalia, iyadoo 8 ka mid ah dadkaasi ay toogasho ku dileen ciidamada Ethiopia, xilli ay sii kordhayaan weerarada lala beegsanayo fariisimada ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia.
Abaarihii xalay fiidkii saacadu markii ay aheyd 8:30 kii fiidnimo waxaa dhacay qaraxyo xoogan oo ay xigsadeen rasaas la is weydaarsaday banaanka hore ee Saldhigga degmada Heliwaa, iyadoo wali aan la ogeyn qasaaraha ka dhashay israsaaseyntaasi oo dhex martay ciidamada booliska iyo kooxo aan la garaneyn oo weerar ku qaaday halkaasi.
Saacad ka dib abaarihii 9:20 Daqiiqo waxaa iyana dhacay qarax miino oo xoogan meel ku aadan qeybta dambe ee saldhigga H/wadaag, iyadoo dad goobjoogayaal ah ay inoo sheegeen in qaraxaasi uu ahaa miino la soo dhigay halkaasi oo ciidamada Booliska ay ogaadeen, ka dibna ay qarxiyeen.
Saacado ka dib abaarihii 11:30 kii saqdii dhexe ee xalay waxaa mar qura laga maqlay magaalada Muqdisho qaraxyo iyo israsaaseyn xoogan oo socotey muddo nusaac ah, iyadoo kooxo aan la garaneyn ay weeraro ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia ee garoonka Horseed oo ku dhow fagaaraha Tarabuunka ilaa Warshadda Caanaha.
Ilaa iyo wali inta la ogyahay iska horimaadyadaan oo la isku adeegsaday gantaalaha garbaha laga rido, hubka lidka diyaaradaha iyo qoryaha fudud ayaa waxa ay qalqal galiyeen dadkii ka agdhowaa goobihii ay ka dhaceen shaqaaqooyinkaasi.
Lama oga qasaaraha kala gaaray ciidamada Ethiopia oo taageeraya kuwa dowladda iyo kooxaha weerarka soo qaaday, laakiin dadka deegaanka ayaa waxa ay xaqiijiyeen dhimashada qof rayid ah oo ay haleeshay rasaas ugu tagtay meel uu fadhiyay.
Ilaa 8 ruux oo rayid ah ayaa shalay galab ku geeriyootay ka dib markii qarax miino lala beegsaday gaari ay wateen ciidamada Ethiopia oo nuuca Ural ka ah oo marayay wadada kulyaddii Jaalle Siyaad.
Sida ay shabelle u xaqiijiyeen ehelada dadkaan geeriyooday, ciidamada Ethiopia ayaa markii qarax dhacay ka dib waxa ay toogasho ku dileen 8daan ruux oo ay ku jiraan 3 walaalo
Axmed Owdiini oo ka mid ah ehelada wiilasha walaalaha ah ee geeriyooday oo u waramay shabelle ayaa waxa uu sheegay in ciidamada Ethiopia ay guriga ugu soo galeen 3da wiil iyo labo nin oo howlo dayactir ah ka waday guriga isla markaana ay kala baxeen deetana ay ku toogteen banaanka meel ku dhow guriga, iyadoo la maqlay rasaas xoogan markii ay wateen ka dib.
Lama oga tirada ciidamada Ethioipia ee ku waxyeelowday qaraxa lala beegsaday gaariga Uralka ah, laakiin dad goobjoogayaal ah oo ka agdhowaa goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxa ay sheegeen in ay arkeen labo ka mid ah ciidamada Ethiopia oo dhaawac ah.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamada Ethiopia oo inta badan aanu ka hadlin waxyeelada loo geysto iyo kuwa ay geystaan intaba.
Waxaa sii xoogeysanaya qaraxayada iyo weerarada ka dhanka ah ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda KMG ah, xilli baaritaano adag ay ka wadaan ciidamadaasi xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho.
Inta badan ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda ayaa xaniba isku socodka gaadiidka iyo howlaha ganacsiga meelaha ay ka fulinayaan howl-gallada baaritaanada ah.

