HEBLAAYO DACAR: Burco iyo Hargeysa oo isu heesay
Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 21 June, 2007
--------------------------------------------------------------------------------
Ayeeyo Illaahay horta Ishaaro khayr iyo Ijaabo san ha inooga dhigee habeenadan oo dhan amuuro iyo ifafaale ayaa iiga muuqanayey magaalooyinkeennii. ...
Horta aan kuu warramee, waxaan arkayaa magaaladii Burco ee sharaaradda kululayd ee aan siyaasaddu baadida u ahayn oo intay tahliil qabowdey siyaasadi degtey oo intay isku dubba-dhacday durbaanka iyo nashaadka ka baxaya aad yaabayso. Waxaan kaloo arkayaa magaaladii Hargeysa ee siyaasadda dalka xarunta u ahayd oo inta laga hadhgalay uu Ayax deggey.
Ku darsoo, waxkasta oo caad laguu tuso, waxa jira Sir ku hoos jirta oo dadka inyari uun aragto. Anigaba habeen dhoweyd waxa riyo la igu tusay cilmi sir, iyadoo labada magaalo ee Hargeysa iyo Burco ay is ilaaqeen oo hees jiibta iyo jaanta la isla helay ay isugu jawaabayaan; walow waxa heesaya aanan arkayn, waxaa ii baxaysay luuqda oo aan is idhi waa rooxaani. Waxaanan heestii ka xasuustaa
HARGEYSA: Burcooy Kaambeyn aloostee Bal kow dheh!
Cidlaad kamba-dhuudhsataaye
Haddaad kursi u dudayso Bal Laba dheh
Haddaad Kaartada Fahmayso
Koobkii weli muu bilaabmine Bal Kaadso!
.
BURCO: Haddaad keligaa ismooddey
Inaad Kursigaa helayso
Rag baa kaa sii korreeyeee
Kaambeynkaagii kaxayso
Galbeed Kohashada la doono.
Ayaxan kugu korronkorreeyey
Wax buu kuu sheegayaaye ka Buldheh!
HARGEYSA: Hadduu kursi-doon ku jiito
Aduu kaar iyo xanuun
Kilkiliso kugu hayaaye Bal Kow dheh!
Beelaha aad kicinaysaanna
Aniga ii keeni mayside
Sanaag kohashada la doono.
BURCO: Mar baan is idhaa ku duulba
Kacdoonna abaabulaaye Bal Kow dheh
Haddana qarankaan kulaylkiyo
Karkiisa uga tudhaaye bal kaalay.
Haddaad keligaa is mooddey
Inaad kaartada taqaanno
Ayaxan kugu koronkorreeyey
Wax buu kuu sheegayaaye ka Bul dheh!. .
Mansha Reer Somaliland Noolada.. Burco Vs Hargeisa....
Moderator: Moderators
- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super

- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 16 Replies
- 1813 Views
-
Last post by ImamAhmed
-
- 2 Replies
- 1379 Views
-
Last post by HooBariiska
-
- 10 Replies
- 1218 Views
-
Last post by Goljano Lion
-
- 15 Replies
- 4978 Views
-
Last post by Qatar_isaaq_chick
-
- 6 Replies
- 2898 Views
-
Last post by DisplacedDiraac
-
- 39 Replies
- 3018 Views
-
Last post by AsadSL
-
- 0 Replies
- 605 Views
-
Last post by Basra's Stomach
-
- 20 Replies
- 2245 Views
-
Last post by CrazySommies
-
- 2 Replies
- 376 Views
-
Last post by LaY-D_LicK
-
- 3 Replies
- 660 Views
-
Last post by Advocatar