Qof ku dhintey gaari koox hubaysan ay ka dhaceen magaalada B

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Qof ku dhintey gaari koox hubaysan ay ka dhaceen magaalada B

Post by Hiiraan boy »

Qof ku dhintey gaari koox hubaysan ay ka dhaceen magaalada Boosaaso

Qof rayid ah ayaa ku dhintey ka dib markii uu jiirey gaari yar oo ay dhaceen koox hubaysan oo ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso, iyagoo ula baxsanayey dhanka Koontaroolka magaalada Boosaaso.

Gaarigan la dhacay ayaa waxaa iska leh C/rsiaaq Cali Siciid (Shaahood, waxaana ay ka dhaceen agagaaraha Isgoyska Gaaca ee magaalada Boosaaso.

Shaahdoon oo la soo xiriitey Idaacada SBC ayaa sheegay in koox hubaysan ay ka dhaceen gaarigiisa isagoo ku sugnaa xiligaasi Internet Caf’e ku yaal Hotel Nayruus.

Taliye kuxigeenka ciidanka Booliiska Puntland G/le sare C/casiis Siciid Gacamey oo SBC ay wax ka waydiisey falkaasi waxa laga qabtey ayuu sheegay in ay aqoonsadeen dadkii gaariga dhacay, isla markaana ay soo qaadeen ninkii Meydka ahaa oo ay keeneen Isbitaalka magaalada Boosaaso.

Taliye kuxigeenka ayaa wuxuu sheegay haatan wadaan talaabooyin ay ku raad joogaan kooxihii falkaasi geystey.

Warka ayaa intaasi ku darayaa in gaariga markii la dhacay ay kooxda hubaysan la aden dhanka Koontaroolka Boosaas, iyadoo intii ay sii socdeen gaarigu uu jiirey nin halkaasina uu ku geerioodey ninkii, waxaana markaasi ka dib uu gaarigii ka baxay wadada isagoo gadoomey.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”