BREAKING NEWS ABAABUL DAGAAL IN AFMADOW BY AFGADUUD

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

BREAKING NEWS ABAABUL DAGAAL IN AFMADOW BY AFGADUUD

Post by Hiiraan boy »

Maleeshiyooyin ay hogaaminayaan Xubnihii looga itaal roonaaday B/Guduud oo abaabul dagaal oo ka dhan ah Kismaayo ka bilaabay deegaanka Afmadow

Xiisadaha dagaal ee ka taagan hareeraha magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose ayaa cirka isku shareereya ka dib markii maleeshiyooyin iyo ciidamo ay hogaaminayaan xubnihii maalmihii dhowaa looga awood roonaaday dagaaladii ka dhacay deegaanada Goobweyn iyo Buulo Guduud oo ku yaala duleedka magaalada Kismaayo ay abaabul dagaal oo ka dhan ah magaalada Kismaayo ka bilaabeen deegaanka Afmadow oo haatan ay ku sugan yihiin.

Sida warku sheegayo ciidamadan abaabulka ka bilaabay deegaanka Afmadow oo ay hogaaminayaan taliyihii hore ee guutada 1-aad Col. C/risaaq Afguduud iyo Ilyaas Bedel Gaboose oo ka mid ah xubnaha sare ee maamulka gobolka J/hoose, waxaana la sheegayaa iney taageero ka heleen qaar ka mid ah beelaha gobolka, iyagoo doonaya iney mar kale dib u qabsadaan magaalada Kismaayo, waxaana dhinaca kale ee ku sugan gudaha Kismaayo oo arintaasi ka war helay ay iyana bilaabeen iney is abaabulaan, si ay uga hor tagaan weerarka la sheegay inuu soo wajahan yahay magaaladaasi.

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Kismaayo iyo hareeraheeda ayaa arintan waxay ku dhalisay walaac aad u fara badan oo ay ka qabaan in mar kale ay dib u bilowdaan colaadihii ka jiray halkaasi, kuwaasoo ka cabsi qabaan iney ka soo gaaraan dhibaatooyin ay ka mid yihiin dhimasho, dhaawac iyo Barakac, waxaana xiisadahan sii kordhaya ee ka taagan gobolka J/hoose ay ku soo beegmeen xili dowladda federaalka Soomaaliya aysan wax hadal ah ka soo saarin, dagaaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay halkaasi oo nafaf badan ay ku baxeen, waxayna dad badan isweydiinayaan sababta ay wax uga qaban la’ dahay dhinacyada uu dagaalkaasi u dhexeeyo oo ka wada tirsan taageerayasha dowladda federaalka.


Xafiiska wararka ee Muqdisho, Somalia
dayniilecom@hotmail.com

News Update in English www.dayniileone.com
wadaniweyn1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2325
Joined: Wed Mar 28, 2007 10:39 pm

Re: BREAKING NEWS ABAABUL DAGAAL IN AFMADOW BY AFGADUUD

Post by wadaniweyn1 »

round 1. was taken by marexaan with knock down.

round 2. was taken by marexaan too with a knockdown.

round 3. is next and it's over if marexaan get another knockdown becos there is the 3 knockdown rule in affect in this fight...


i hope who ever is against xaarbashia win.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”