Boqolaal Soomaali ah oo dibad baxyo ka dhan ah socdaalka ra’isul wasaare Geeddi ka hor sameeyey xarunta wasaarada arimaha dibeda ee Maraykanka
Dibeda bax si weyn looga soo shaqeeyey, loogana soo horjeedo socdaalka uu dalka Maraykanka ku marayo ra’isul wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa saacadihii la soo dhaafay boqolaal Soomaali ah waxay ka hor sameeyeen xarunta wasaarada arimaha dibeda ee Maraykanka oo ku taala magaalada Washington.
Dibed baxayaasha oo isaga kala yimid qaar ka mid ah gobolada uu ka kooban yahay dalka Maraykanka ee ay Soomaalidu ku kala baahsan yihiin ayaa ku qeylinayey, isla markaana watay boorar ay ku qoran yihiin erey looga soo horjeedo socdaalka uu Prof. Geeddi ku joogo dalka Maraykanka, waxayna dibed baxayaasha oo ka koobnaa rag iyo Dumar ay ahayeen kuwo ay si weyn shucuurtooda u kacsaneyd, kuwaasoo markii dambe qoraal dheer oo cabasho ah gacanta ka geliyey qaar ka mid ah saraakiisha wasaarada arimaha dibeda ee dalka Mareykanka.
Sida ay sheegen qaar ka mid ah dadkii ka qeyb galay dibed baxaasi qoraalka ayaa waxaa ku xusnaa in ra’isul wasaare Geeddi uu yahay dambiile Qaran oo aan mudneyn in dowladda Maraykanku ay soo dhoweyso, waxayna ku sheegeen qoraalkooda in Prof. Geeddi iyo xukuumada uu ka tirsan yahay dhibaatooyin isugu jira dil, dhac, kufsi iyo xarigba ku hayaan shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatooyinka mudada dheer ku soo jiray, ayna dalka soo geliyeen ciidamo Itoobiyaan oo cadaawad qota dheer ay kala dhexeyso, shacabka Soomaaliyeed, kuwaasoo sida qoraalka ku xusan xasuuq u geystay ummada Soomaaliyeed, waxayna dowladda Maraykanka ugu baaqeen inaan la taageerin ra’isul wasaare Geeddi iyo xukuumadiisa oo aan ku iman rabitaanka shacabka Soomaaliyeed sida qoraalkaooda ku Xusan.
Prof. Geeddi iyo xubnaha la socda oo socdaal ku maraya dalka Maraykanka ayaa waxaa habeen hore munaasabad casho sharaf ah ugu sameeyey hotelka Sheraton oo ku yaala gobolka Virginia qaar ka mid ah jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka Maraykanka.
Xafiiska wararka ee Muqdisho, Somalia
dayniilecom@hotmail.com
PROTEST AGAINST GHEEDI IN WASHINGTON
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 376 Views
-
Last post by galia
-
- 2 Replies
- 315 Views
-
Last post by King-of-Awdal
-
- 3 Replies
- 369 Views
-
Last post by Kramer
-
- 2 Replies
- 349 Views
-
Last post by *HannaH*
-
- 38 Replies
- 1899 Views
-
Last post by Cali_Gaab
-
- 1 Replies
- 302 Views
-
Last post by James Dahl
-
- 26 Replies
- 1358 Views
-
Last post by gedo_gurl
-
- 2 Replies
- 234 Views
-
Last post by The_Patriot
-
- 0 Replies
- 251 Views
-
Last post by Mrs Musika man