Ethiopia still flirting with Daaroodism

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
adanboy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1184
Joined: Thu Mar 22, 2007 12:28 pm
Location: Struggle

Ethiopia still flirting with Daaroodism

Post by adanboy »

I said many times before,its Ethiopias interest to have a complete Daarood on their side ,because of the Ogaden issue, and to split somalis again like that in 1991;the Hawiye_Daarood conflict that caused the collapse and destruction of the somali state: They enemy still dreams of that event.. Mad

read this:

Xukuumada Ethiopia ayaa soo fara gelisay Muranka siyaasadeed ee ka dhaxeeyay Beesha Madaxweyne Yuusuf iyo Beesha Mareexaan ee ku aadan Kismaayo.

Dowladda Ethiopia ayaa isku dayeysa in ay qaboojiso Xiisadaha xoogan ee u dhaxeeya Beelaha Majeerteen iyo Mareexaan oo tiro laba jeer ah ku dagaalamay gacan ku heynta Kismaayo.

Ra'iisul wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi ayaa Magaalada Addis Ababa ku casuumay siyaasiyiin caan ah oo ka soo jeeda Beesha Mareexaan, si uu ugala hadlo xiisadaha Kismaayo ka jira.

Beesha Madaxweyne Yuusuf ayaa midi u soofeysaneysa sidii ay weerar ugu qaadi laheyd Magaalada Kismaayo, iyadoo Beesha Mareexaan ay wado diyaar garow ay taa kaga hor tageyso.

Magaalada waxaa hada gacanta ku haya Maleeshiyo Beeleedyo taageersan wasiirkii Gaashaandhiga Col. Barre Hiiraale, kamana jiro wax maamul ah, iyadoo maamulkii ay usoo magacowday Dowladda laga ceyriyay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dabayaaqadkii Bishii Hore isagoo la hadlayay Idaacada Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho waxa uu sheegay in Kismaayo ay gacanta u gashay kooxo Dowladda ka soo horjeeda, waxa uu sheegay in hadii ay fursan weyso wada hadalo, ay Dowladdu adeegsan doonto tallaabo muhiim.

Sidoo kale weerarkii lala damacsanaa in lagu khaarijiyo Col. Barre Hiiraale oo ka dhacay Baardheere, ayuu ku eedeeyay inuu ka dambeeyo Madaxweynaha, taasoo khilaafka beelahaas u dhaxeeya ay cirka isku sii shareertay.

Dowladda Ethiopia oo saaxiib gaar la ah Beesha Madaxweynaha ayaa haatan wada dadaalo ay ku qaboojineyso xiisadahaas u dhaxeeya labada beelood ee ugu tunka weyn Daarood.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”