Mbagathi Mooryaan Shoot Dead 3 Civilians!

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Biif Baaf
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 463
Joined: Thu Oct 12, 2006 10:42 pm

Mbagathi Mooryaan Shoot Dead 3 Civilians!

Post by Biif Baaf »

3 ruux oo ku geeriyootay rasaas ay fureen ciidamada dowladda, ka dib qarax ka dhacay Warshadii hore ee caanaha

Mogadishu 22, July 07 ( Sh.M.Network) 3 ruux ayaa ku geeriyootay , inta la og yahay labo kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray rasaas ay fureen ciidamada dowladda ka dib markii qarax loo adeegsaday miino oo ka dhacay wadada warshaddii hore ee Caanaha.

Qaraxaan oo ahaa miino wadada dhinaceeda la dhigay ayaa waxaa lala eegtay abaaro saakay 8:50 am gaari Tikniko ah oo ay wateen ciidamada dowladda, iyadoo aan la soo sheegin wax qasaaro ah oo gaaray ciidamada dowladda, laakiin rasaas ay fureen ciidamada waxaa ku nafwaayay 3 ruux oo rayid ah halka labo kalane ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo marayay wadadaasi sida uu Shabelle u sheegay Goobjooge la yiraahdo Axmed Nuur.

Goobjoogaha ayaa intaasi ku daray in ciidamada dowladda ee qaraxaasi lala eegtay ay ka soo baxeen warshaddii hore ee Tolmada, waana ay ka bad baadeen qaraxaasi oo ahaa miino wadada dhinaceeda lagu soo qariyay.

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa durbo isku gadaamay ciidamo ka tirsan dowladda oo baaritaano ka wada.

Qaraxaan ayaa waxa ku soo beegmayaa xilli wali ay ka soconayaan magaalada Muqdisho howl-gallo baaritaano ah oo ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia, iyadoo howl-galladaasi ay barbar soconayaan qaraxyo iyo tacshiirado.

Shabelle Media Network Somalia
E-mail us: info@shabelle.net
_______________________________________________________________________________
Bebe's mooryaan who used to run isbaarooyin all over Kaaraan are today in charge as Somalia's troops? What do they know? They kill, rape, plunder, loot and kill some more.

Kudos to the Mbagathi criminals up
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”