Howlo canshuur uruurin ah oo maanta ka bilaabanaya Bardhere.

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
Luq_Ganane
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7849
Joined: Tue May 22, 2007 10:17 am

Howlo canshuur uruurin ah oo maanta ka bilaabanaya Bardhere.

Post by Luq_Ganane »

8) . The future is bright. :up:

Baardheere 06, August 07 ( Sh.M.Network) Howlo canshuur uruurin ah ayaa maanta laga bilaabayaa markii ugu horreysay 8 sano ka dib degmada Baardheere ee gobolka Gedo, sida uu ku soo waramayo wariyaha shabelle ee gobolkaasi.

Maalamahaan waxaa magaalada Baardheere ka soconayay kulamo ay yeelanayeen maamulka degmada, odayaasha dhaqanka, ganacsatada degmada iyo qeybaha bulshada, iyadoo kulamadaasi looga arinsanayay sidii canshuuro looga qaadi lahaa degmada si daqliga ka soo xarooda loogu taageero howlaha amaanka degmadaasi.

Guddoomiyaha degmada Baardheere Barre Cabdi Ismaciil oo u waramayay Idaacadda shabelle ayaa sheegay in maanta si rasmi ah loo bilaabayo canshuur uruurin, isla markaana ay ka qaadayaan dhamaan suuqyada iyo goobaha kale ee ganacsiga, isagoo sheegay in ay diyaariyeen shaqaalihii fulin lahaa canshuur uruurinta iyo agabyadii ay isticmaali lahaayeen.

Waxa uu sheegay in qorshaha canshuur uruurinta ay soo bilaabeen labo bil ka hor haatana uu rajeynayo in ay meel marto.

Waa markii ugu horreysay oo 8 sano ka dib lacago canshuuro ah lagu soo rogo degmada Baardheere.

Click here to find shabelle news in English
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”