Gabadh ay isku haystaan Beesha Gabooye iyo Beesha Reer Cabdi Xaamud ee Habaryoonis.
Ku: Dawlada Somaliland
Ku: Dhamaan Odayaasha, iyo Cuqaasha Somaliland
Ku: Dhamaan Odayaasha iyo wax garadka Beesha Habar-Yoonis
Ku: Guud ahaan dadka wax garadka ah ee gobolka Sanaag.
Ku: Ururadda Haweenka Somali-land.
Ku: Ururadda Xuquuqul Insanka Somali-land.
Gabadh ay isku haystaan Beesha Gabooye iyo Beesha Reer Cabdi Xaamud ee Habaryoonis.
Waxaa soo gaadhay odoyaasha, aqoon yahanadda, culima`udiinka iyo wax garadka qurba- joogta Beesha Gabooye xaalad cakiran oo ku saabsan gabadha la yiraahdo Khadra Yuusuf Cige oo u dhalatay beesha Gabooye.Waxay sheegatay Beesha Cabdi Xaamud ee Habar-yoonis ee degan Ceerigaabo in ay dhaleen gabadha oo ay ka luntay ama la waayey iyadoo saddex jir ah.Hadaba waxaa dadka xog-ogaalka ah ee Beesha Gabooye caddeeyeen in gabadha ay u dhalatay Beesha Gabooye oo ay xitaa joogto Umulisadii ka dhalisay hooyadeed iyo hooyadeedba. Gabadha, Khadra, waa hooyo hadda umushay oo leh nin si sharci ah ku qaba. Waxaana hadda gacanta ku haya ciidamada gobolka si looga hortago isku dhac. Gabadha waxaa loo diiday in ay ku laabato gurigeedii iyo ninkeedii xagga amaanka awgiis. Waxay gabadhu ku nooshahay welwel iyadoo Umulan in ka yar hal bil.
Waxaanu in badan xidhiidho badan la samaynay Gudoomyaha Gobalka Sanaag(Mudane Cali Cabdi Hurre), Duqa magaalada Ceeri-gaabo(Mudane Ismaacil Xaaji Nuur),gudoomyaha maxkamadda gobalka Sanaag(Axmed Saalax Yoonis),wasiirka arimaha gudaha Soomaali land(Mudane C/laahi Ismaciil Cirro), qaar ka mida oday dhaqameedada ugu caansan soomaaliland sida boqor Cisman ow-maxamuud(Buurmadow) iyo ugaaska beesha Cabdi Xaamud ugaas Rashiid.waxaanu dhamaan u cadaynay waxgaradkaasi iyo madaxdaasi kor ku xusan in ay beesha gabooye diyaar u tahay wax kasta oo lagu kala bixo karo, sida shareecadda islaamka,sharciga Soomali-land, xeerar dhaqameedka soomaalida iyo waxkasta oo keeni kara in si nabada lagu xaliyo arintan., laakin beesha Cabdi-xaamud ee ku sugan magaalada Ceeri-gaabo waxay dhagaha ka furaysteen wax kasta oo waan waan lagu gaari karo waxayna door bideen in gabaadhaas umusha ah oo aan wax dabi ah qofna ka galin isteeshinka booliska lagu hayo, haddii la sii dayn lahaana waxay go’aan sadeen in ay si xoog ah ku kaxaystaan.
Waxaa kaloo na soo gaadhay in Beesha Cabdi Xaamud ee Habar-yoonis ay rabaan in ay xoog iyo kaa itaal rooni xaalada u isticmaalaan iyagoo aan tixgelinay amarada dawlada Soomaaliland iyo dadka wax garadka ah ee degan gobolka. Waxaa Beesha reer Cabdi Xaamud ay diideen in lagu kala baxo:
1. Shareecada Islaamka
2. In dhiig la qaado (DNA)
3. Wax lagu Xaliyo xeer dhaqameedka Soomaaliyeed
4. Waxay diideen amarada maxakamada gobolka Sanaag.
5. Waxay ka dhega adaygayaan in ay dhegaystaan madaxda dawlada
Somaliland iyo Cuqaasha iyo odayaasha gobolka.
Waxaa cad in arrintan Beesha reer Cabdi Xaamud ay raadinayaan danno gaar ah oo ka duwan waxaa ay sheeganayaan. Haddaba waxaa Beesha Gabooye ugu baaqaysaa in ay Beesha Cabdi Xaamud eeHabar-yoonis ee arrintan ku doodayaa ay joojiyaan qalalaasaha iyo in ay xoog ku muquuniyaan qabiilka ay ka tirada badan yihiin. Arrinta ay ku doodayaana waxaa jira wax yaalo badan oo lagu cadayn karo iyadoo aan dhibaato cidna loo geysan taas oo muddan in wadada ugu haboon loo maro. Waxaan Madaxda dawlada Somaliland iyo wax garadka Beesha reer Cabdi Xaamud ugu baqaynaa in arrintan si nabad gelyo ah lagu xaliyo. Waxaan Guud ahaan qabiilada Soomalida ee gobolka dega gaar ahaan Beesha Habar yoonis in ay arrintan u guntadaan oo ay nabad ku xaliyaan.
Guud ahaan dadka reer Soomaaliland waxaan ka codsanaynaa in ay ka hortagaan oo ay joojiyaan xaqdaradann aan salka lahayn ee ay rabaan Beesha reer cabdi Xaamud. Waa in aan ixtraamnaa diinteena Islaamka oo aan xusuusanaa Xaddiiska nebiga (N.K) in gacanta la qabto qofka xaqdarada wada ee aan lagu taageerin. Waa in la tixgeliyaa nabada iyo wada noolaanshaha dadka ku nool gobolka.
Baaqan waxaa soo saaray Beesha Gabooye ee qurba-joogta ah.
webmaster@dulmane.com
Gabadh ay isku haystaan Beesha Gabooye iyo Beesha Reer Cabdi
Moderator: Moderators
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
- Hiiraan boy
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4756
- Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
- Location: California
Re: Gabadh ay isku haystaan Beesha Gabooye iyo Beesha Reer Cabdi
whats gabooye???
never heard of them
never heard of them
- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super
- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
Re: Gabadh ay isku haystaan Beesha Gabooye iyo Beesha Reer Cabdi
This is some old story..
Gabooye is Midgaan
Gabooye is Midgaan
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 6 Replies
- 983 Views
-
Last post by udun
-
- 6 Replies
- 708 Views
-
Last post by DawladSade
-
- 2 Replies
- 1288 Views
-
Last post by oldenglish
-
- 9 Replies
- 1180 Views
-
Last post by AbdiJohnson
-
- 4 Replies
- 2013 Views
-
Last post by Abdihaliim
-
- 0 Replies
- 565 Views
-
Last post by SecretAgent
-
- 20 Replies
- 2414 Views
-
Last post by ProudFather
-
- 42 Replies
- 3100 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 8 Replies
- 1411 Views
-
Last post by WadaniggaBarakaysan
-
- 12 Replies
- 837 Views
-
Last post by Xoogjire