- In more than 3 Five Star Hotels
- Private Planes sent to Xamar and Baidobo
- Over $1.5 Million spent and the Wedding is just started the initial cost
- Tickets sent to all the guests coming for overseas
For get Cadde Muse and Riyaale, this guys is the biggest Tuug out there
Somalia is fuked up and this guys is living large on the peoples money.
________________________________
Aroos loo dhigayo wiil uu dhalay ra'isul wasaare Geeddi oo maalintii 5-aad ka socda hoteelada ugu qaalisan ee magaalada Nairobi
(Ma Dhabaa in arooskaasi ay ku baxday aduun gaaraya..)
Waxaa heer gebagebo ah maraya aroos lagu tilmaamay inuu yahay kii ugu weynaa ee sanadahan dambe ka dhaca wadamada bariga Afrika, kaasoo muddo todabaad ku dhow ka soconaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo arooskaasna ay isku guursanayaan Maxamed Cali Maxamed Geeddi oo ah wiil uu dhalay ra'isul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo Faa'isa Cabdi Axmed.
Arooskan oo xaflado waaweyn loogu sameeyey hotelada ugu qaalisan uguna waaweyn ee ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo ay ka mid yihiin Grand Regency iyo kuwa loo yaqaano (Five Stars)-ka ayaa waxaa qaban qaabada arooskaasi iyo isku dubaridkiisa awgeed u jooga magaalada Nairobi wiilka guursanaya aabihii oo ah raisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi, iyadoo dadka arooskaasi ka qeyb galayana laga soo kala daad gureeyey meelo ay ka mid yihiin magaaladan Muqdisho iyo qaar ka tirsan dalalka Yurub iyo Amerika, iyadoo loo kala diray tikidho iyo dayuurada soo qaada si ay uga qeybgalaan arooskaasi oo la qorsheeyey inuu muddo todobaad ah ka socdo magaalada Nairobi.
Dadka ka qeyb galaya arooska ayaa waxay isugu jiraan ehelada labada dhinac ee isguursaneysa oo intooda badan Muqdisho looga qaaday ilaa 4 duulimaad, waxaana xaflada nikaaxa ee Maxamed Cali Maxamed Geeddi iyo Faa'isa Cabdi Maxamed ay ka dhacday maalintii Jimcaha aheyd ee la soo dhaafay Hotelka Dinary Sky oo ka mid ah hoteelada ugu qaalisan magaalada Nairobi, waxaana xafladii ugu weyneyd ay xalay ka dhacday hotelka Safari park, iyadoo ay ka soo ka soo qeyb galeen mas'uuliyiin ay ka mid ahaayeen ra'isul wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi, guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee baarlamanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa, marwada madaxweynaha dowladda federaalka Dr. Faadumo Xasan, safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Nairobi Maxamed Cali Ameriko, fanaaniin laga keenay Muqdisho, wakiilada hey'adaha samafalka ee kui sugan magaaladaasi iyo marti sharaf kale.
Sida ay qoreen qaar ka mid ah wargeysyada magaalada Nairobi oo arooskan ka faalooneysay waxaa ku baxday arooskaasi aduun kor u dhaafaya ilaai $1,500,000 (Hal milyan iyo shan boqol oo kun oo Dollar), iyadoo xafladaha arooskaana ay labada maalmood ee soo socda ka sii dhici doonaan hotelada waaweyn ee magaalada Nairobi, waxaana magaaladaasi weli ku sii qulqulaya dad aad u fara badan oo lagu casuumay iney ka qeyb galaan arooskaasi oo noqday hadal heynta ugu badan ee badan dhex taala dadka Soomaalida ah ee halkaasi ku nool iyo xafiisyada Q/midoobay iyo kuwa deeqaha bixiya ku leeyihiin magaalada Nairobi.
Arintan ayaa ku soo beegantay xilli qaramada Midoobay ay ka dhawaajisay in Soomaaliya ay ka jiraan masiibooyin bani aadamnimo oo u baahan in deg deg wax looga qabto kuwaasoo ka dhashay dad ka barakacay dagaalada iyo qaraxyada habeen iyo maalin ka socda magaalada Muqdisho iyo qeybo kale oo ka mid ah dalka, isla markaana ay dowladda federaalku ka cabaneyso dhaqaale la'aan ba'an, waxaana sidoo kale arintani ay ku soo beegantay xilli ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay boob iyo dhac baahsan ku hayaan shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo qeybaha kale ee dalka, taasoo loo aaneynayo mushahar la'aan dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ku habsatay ciidamada.
Xafiiska wararka ee Muqdisho, Somalia
dayniilecom@hotmail.com


