Beesha Murusade oo daandaansi dagaal oo iyada ka dhan ah ku

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Beesha Murusade oo daandaansi dagaal oo iyada ka dhan ah ku

Post by Hiiraan boy »

In ka badan 100 xubnood oo isugu jira waxgaradka, siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku abtirsata beesha Murusade oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa gaashaanka u daruuray howlgal uu guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (M/dheere) shaaciyey inuu maalmaha soo socda ka sameyn doono deegaanka Dayniile oo ku yaala duleedka magaalada Muqdisho, kaasoo lagu ugaarsanayo kooxo nabad diid ah oo maamulku sheegay in deegaankaasi ay joogaan iyagoo uga digay maamulka G/banaadir inuu howlgalka noocaas ah uu ku dhaqaaqo.



Muxyadiin Rooble Camay oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee beesha Murusade ayaa kulankaasi ka sheegay in hadalkaasi uu dhibaato u keenay dadka degan degmada Dayniile ka dib markii dhaqaatiirtii ajaaniibta ahaa ee joogay Isbitaalka Dayniile ay halkaasi uga baxeen cabsi ay ka qabaan howlgalkaasi, iyadoo dadka qaar ee degenaa deegaankaasina ay maantaba bilaabeen iney guryahooda ka barakacaan sababo la xiriira arintaasi awgeed, wuxuuna xusay in kooxaha nabad diidka ah ee la sheegayo aysan halkaasi joogin ayna arintaasi ka soo baxday Maxamed Dheere ay u qaadanaayan haddiiba lagu dhaqaaqo mid iyaga loola jeedo, laguna daan-daaansanayo beesha Murusdae ee halkaasi degta.

"Waxaa deegaankaasi ku nool dad aad u fara badan oo horey uu Maxamed dheere uga soo barakiciyey deegaano ka tirsan Gubta, howlagalana waa mid la doonayo in lagu sii barakiciyo mar labaad dadkii halkaasi u qaxay oo haatan ay ku heysato xaalad nololeed oo aad adag, waxay waxgaradka beesha Murusade haddii aan nahay cadeynaynaa in wixii ka yimaada howlgalkaas uu dhabarka u ridan doono Maxamed Dheere" ayuu yiri nabadoon Camay, waxaana sidoo kale Kulankaasi ka hadlay waxgarad aad u fara badan oo ka soo jeeda beesha Murusade kuwaasoo ka waramay dhibaatooyinka ciidamada Dowladda federaalka gaar ahaan kuwa Maxamed dheere ay ka geystaan magaalada Muqdisho.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”