Kismaayo: Beesha Sade oo Aqoonyahan Qurbaha Degan u dooratay

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
Alta Vista [Bot2]
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 497
Joined: Mon Apr 30, 2001 7:00 pm
Location: Carriga Ingiriisiga

Kismaayo: Beesha Sade oo Aqoonyahan Qurbaha Degan u dooratay

Post by Alta Vista [Bot2] »

http://gargaar.net/news/images/taano.JPG

Golaha Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Sade oo ka mid ah Beelaha dega Gobolka J/hoose ayaa maanta magacaabay Gudoomiyaha Guddiga Siyaasada ee Beeshaas oo Hogaamin doona Sadeha J/hoose ee gacanta ku haya Magaalada Dekada leh ee Kismaayo.

Kullan ay yeesheen madaxda dhaqanka ee Juffooyinka Beesha Sade oo uu shir gudoominayay Suldaan Maxamed Suldaan Bashiir Madoobe Yaroow ayaa waxaa ugu dambayntii laga soo saaray musharax ku guulaystay codayn ay sameeyeen 27 oday dhaqameed oo 21 ka mid ah ay isku raaceen in jagada Gudoomiyaha guddiga Siyaasada loo magacaabo Dr C/risaaq Faarax Taano oo ah aqoonyahan qurbaha muddo badan ku noolaa.

Warka magacaabida Dr Taano ayaa ahaa mid dhawaanahaanba soo baxayay iyadoo ay jireen dadaalo ay kaga soo horjeedeen magacaabistiisa xubno ka mid ah guddiga KMG ah oo siyaasada loo xilsaaray kuwaas oo u badnaa saraakiishii isbahaysigii Dooxda jubba ee uu hogaamin jiray Col: Barre Aaden Shire(Hiiraale)

Odayaasha dhaqanka ayaa ku jiray kullamo xasaasi ah maalmahaan si ay u magacaabaan cidda buuxinaysay Jagada Gudoomiyaha Guddiga Siyaasada oo uu iska casilay ganacsade Daa,uud Diriri Cadcad oo ka mid ah dadka ugu caansan gobolka J/hoose, ma cada sababaha uu isu casilay laakiin Daa,uud Dirir ayaa ah nin wadaad ah waxaana ilo lagu kalsoon yahay ay sheegeen in uu ka gaabsaday Hogaanka mid ka mid ah Beelaha dagaalada ooga ee Koonfurta Soomaaliya.

Gudoomiyaha cusub oo ka hadli doono Munaasibad barri la abaabulayo waxaa uu sanadihii ugu dambeeyay u joogay kismaayo howlo ganacsi hase ahaatee waxaa uu hogaaminayay dagaalkii ay maleeshiyo ku hayb ah oo taabcsanayd dawlada KMG ah ay kaga qabsadeen saraakiishii dawlada KMG ah magaalada Kismaayo ka dib Xiisado isu rogay qaab beeleed.

C/risaaq Faarax Cali oo ka soo jeeda qoys ay ka dhasheen ragg caan ah sida qoraaga iyo Suugaanyahanka wayn Axmed faarax Cali(Idaajaa) waxaa uu Cilmiga Beeraha ka bartay intii u dhaxaysay 1985-1989, Jaamicada rayaad ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, isagoo intii u dhaxaysa 1991-993 mastrarka ka qaatay Jaamicad ku taala magaalada rotandam ee dalka Holland oo uu muddo badan ku noolaa.

Sanadihii dambe waxaa uu sameeyey ganacsi kala duwan oo u badnaa isgaarsiinta iyo wax dhoofinta,waxaana uu Magaalada Kismaayo dhawaan keenay hey,ada MSF Holland oo laga leeyahay dalka uu degan yahay oo iminka dib u howlgalisayo Isbitaalka guud ee Kismaayo.

Tan iyo bishii April waxaa magaalada Kismaayo ka ariminayay Golaha dhaqanka Odayaasha Beesha sade oo sameeyey Guddi siyaasadeed mid dhaqaale, waxaana laga sugayaa Gudoomiyaha Cusub in uu dhismaha maamulkiisa ku soo daro Beelaha kale ee Gobolka degan, iyo in dadka gobolka degan ay qayb ka helaan dhaqaalaha lixaadka leh ee laga helo Dekada Caalamiga ah ee Kismaayo.

Hadalhaynta ugu badan ee magaalada Kismaayo ayaa ah magacaabida Dr Taano oo dadku ay siyaabo kala duwan uga hadlayaan, waxaana la is waydiinayaa sida uu isugu dhex wadi karo siyaasadaha iska soo horjeeda ee Dawlada KMG ah iyo Kooxaha kacdoonka ka wada ee diidan joogista Ciidamada Itoobiya, Kismaayo oo ah Magaalo istraatiiji ah ayaa hadba waxaa ku lagdama kooxaha isku qabta Soomaliya lama saadaalin karo in uu hadii uu dhinac u bato uu sallaanka ka siiban doono sidii dabayaaqadii sanadkii tagay ku dhacday Barre Hiiraale oo raacay dawlada KMG ah ka dibna ay maxaakiimtii kala wareegeen Kismaayo.
Alta Vista [Bot2]
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 497
Joined: Mon Apr 30, 2001 7:00 pm
Location: Carriga Ingiriisiga

Re: Kismaayo: Beesha Sade oo Aqoonyahan Qurbaha Degan u dooratay

Post by Alta Vista [Bot2] »

http://gargaar.net/news/images/taano.JPG

Farah Tano's a terrorist lover and will attract hutus.
User avatar
Luq_Ganane
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7849
Joined: Tue May 22, 2007 10:17 am

Re: Kismaayo: Beesha Sade oo Aqoonyahan Qurbaha Degan u dooratay

Post by Luq_Ganane »

[quote="CoolPoison"]http://gargaar.net/news/images/taano.JPG

Farah Tano's a terrorist lover and will attract hutus.[/quote]


:lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”