
Max'ed Waranle "Somaliland Waxay Laascaanood Latimi Qabyaalad Iyo Isir Nacayb"
(Laascaanood}15.11-7
Taliyaha maleeshiyaadkii mudada ku gadood sanayd toga weyn ee waqdari ee kolkii hore taabac sanaa ciidamda somaliland Maxmed Waranle ayaa kala baxsaday ciidamada soo duulay ee maamulka isku magacaabay somaliland sadax gaadhi oo tikniko ah................................................
Maxamed Waranle oo hogaamiye u ahaa maleeshiyaadkii loo caalwaayay ee mudada dheer ku gadood sanaa toga weyn ee koonfurta magaalada ee waqdari ayaa shalay casar gaabadkii kala baxsaday ciidamda soo duulay ee somali diidka laba kamid ah gawaadhida gaashaaman ee tiknikada ah iyo gaadhi aan la cadeyn wali in uu qori saarnaa balse la sheegay inuu ahaa Iskarogo.
Mr Waranle oo mudo dheer taabacsanaa ciidamda cadowga ah ee somalidiidka ayaa ku sababeeyay baxsashada uu la baxsaday gawaadhidaas tiknikada ah sababo la xidhiidha qabyaaalad iyo isir nacayb ay ku sameeyeen somalidiidku
"Fikir ahaan markii hore waxaan kamid ahaa raga xageer taageersan hayeeshee dee gefku waa dhacaa waanse kasoo noqday waxaana igu kalifey inaan soo baxsado kadib markii la'iqabyaaladeeyay oo cunsuriyad iyo isir nacayb la'iila yimi taas oo damiir kaygu diiday ayuu yidhi Mr waranle oo la hadlayay Widhwidh Online.
Maxamed Waranle oo haatan ku sugan Magaalo madaxda dowlad goboleedka puntland ee Garoowe ayaa isaga iyo Ciidankii iyo tiknikadiiba waxaa durbadiiba lagu daray xoogaga mujaahidiinta daraawiishta ee fadhiya aaga hore ee magaalada.
maaha markii ugu horaysay ee ay taliyayaal iyo ciidamo kasoo baxsadaan dhanka maamulka somalidiidka ee ay kusoo biiraan dowlada Puntland balse marar badan ayay dhacday.