Togdheer gets 1,5 million dollar from the Livestock trade...

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Togdheer gets 1,5 million dollar from the Livestock trade...

Post by LiQaaye_TDH »

Masuuliyiinta maamulka gobolka togdheer ayaa maanta kulan isugu yeedhay ganacsatada sariflayaasha ee burco kasoo ay kala hadlayeen sababta dhalisay hoos udhaca qiimaha dollarka iyo sidii wax looga qaban lahaa.


Kulanka oo lagu qabtay xarunta maamulka togdheer ayaa Badhasaabka iyo maayirka ay sheegeen sababta ay isugu yidheen ay tahay cabooshiyin badan oo ay soo gaadhsiiyeen dadweynuhu kuwaasoo la xidhiidha qiimaha dollarka oo sariflayaashu sida ay doonaan ka yeelayaan taasina ay saamayn weyn ku yeelatay noloshii meecashada bulshada.



Waxayna masuuliyiintaasi u soo bandhigeen sariflayaasha in laga wada shaqeeyo sidii wax looga qabanlahaa dhibaatan waxyeelaysay noloshii dadka islamrkaana wax looga badilahaa qiimahan sarifka doolarka.

Qaar ka mida xubnihii sariflayaasha oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in aanay masuul kahayn qiimo dhacan dollarka iyagoo tilmaamay in uu ka dhashay markii ay yaraatay kaashkii lacagta soomaliga ah ee laga isticmaalo gobolka iyo sixirgoynta qiimaha dollarka oo sameeyo Sariflaha Alnajax ee shirkada 571.




Waxay xubnahaasi sariflayaashu ka dalbadeen masuuliyiinta gobolka in la hirgaliyo balanqaadkii xukuumada ee ka bedelka lacagta burco ama loo ogolaado inay qaataan lacagtii kunkunka ahayd ee laga mamnuucay qaadashadeeda gobolka.

Dhinaca kale C/raxmaan Aw Xuseen(Badar),oo madaxa Xafiiska Alnajax ee sarifka lacagaha ee shirkada Qaadka 571 ayaa dhinac iskaga leexiyay eedaymaha loo soo jeediyay ee xafiiskoodu inuu masuul ka yahay hoos u dhaca qiimaha dollarka isagoo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “waxba kama jiraan arintaa,balse anagu intaanu xakamaynkaraynay waa xakamaynay inaanu hoos u dhicin dollarku waana isle,eg yihiin qiimaa lacagta somalilanta doolarku dhacay iyo giimbaarta burco intuu dhacday”.

Waxa uu intaa ku daray hoos u dhacan waxa keenay kaashkii lacag soomalida oo yaraatay iyo dollar xaddhaafa oo ku butaacay suuqyadii “Maalintii suuqa burco waxa soo gala lacag gaadhaysa ,milyan iyo shan boqol oo dollar oo lacagtii xoolaha ah,taasina waxay jabisay sarifkii dollarka”.

Sidaas darteed waxaanu islahayn waa laydinku amaanayaa mar hadii dawladii oo kaashkii haysatay wixii ay qaban kari wayday aad qabateen oo aanu la dadaalnay inaanu qiimaha sarifku hoos u dhicin,markaa anagu wax eedayn ah kuma lihin hoos u dhacan doolarka iyo kor u kaciisaba,ee wax xaga ilaahay ka yimi,islamrkaan ma jirto wax lacag kayd oo aanu xaraysanay ama meel dhiganay,Ayuu ku soo koobay hadalkiisii.

Masuuliyiinta maamulka gobolka ayaa berito u yeedhay ganacsatada raashinka oo ay kulan la yeelan doonaan ku saabsan sidii ay hoos ugu dhigi lahaayeen qiimaha mecaashada ee circa isku shareeray madaama doolarkii dhacay.


Dadweynaha burco ayaa isha ku haya kulamdan masuuliyiinta la yeesheen ganacstada sarifka iyo kuwa raashinka iyagoo ka dhursugaya sidii wax looga qaban lahaa meecashadan qiimaheedu sii kordhayso iyo sarifkii doolarka ee hoos u dhacay ee saamaynta weyn ku yeeshay noloshii bulshada.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”