Rer Garad Asmara terrorist Ugas Weli back in Kismayo

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
Alta Vista [Bot2]
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 497
Joined: Mon Apr 30, 2001 7:00 pm
Location: Carriga Ingiriisiga

Rer Garad Asmara terrorist Ugas Weli back in Kismayo

Post by Alta Vista [Bot2] »

Mid ka mid ah asaasayaashii Isbaheysiga xoreynta iyo dib u soo nooleynta Soomaaliya oo maalintii saddexaad ku sugan magaalada Kismaayo

Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose ayaa wararka naga soo gaaraya waxay sheegayaan inuu halkaasi soo gaaray labo habeen ka hor xubin ka mid ahaa maxkamdaha Islaamiga ah kana tirsan asaasayaashii Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya oo dhoowaan lagu asaasay magaalada Asmara ee dalka Eritreya kaasoo lagu magacaabo Ugaas Maxamed weli sida ay xaqiijiyen mas’uuliyiin ka tirsan kuwa magaalada Kismaayo.

Ugaaska ayaa la sheegay inuu si caadi ah ku soo galay magaalada Kismaayo isagoo saxaafadana diiday inuu wax war ah ka bixiyo ujeedada safarkiisa iyo halka uu ka soo galay magaalada Kismaayo, waxaana haatan uu degan yahay hotel ku yaala bartamaha magaalada Kismaayo oo sidoo kale ay degan yihiin guddiga dib heshiisiinta ee beelaha Sadde iyo Kablalax ee bilihii la soo dhaafay colaadu ay ku dhexmartay magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda.

Sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan maamulka gobolka J/hoose Ugaas Maxamed weli ayaa lagu war geliyey inuu si nabad uga baxo magaaladaasi hase ahaatee Ugaaska ayaa la sheegay inuu arintaasi ka biyo diiday isagoo sheegay inuu yimid deegaankiisii iyo dadkisii oo isla markaana aysan jirin meel uu u socdo, lamana oga sida ay ku dambeyn doonto xaalada Ugaaska oo ka soo jeeda beel ka mid ah meelaha awooda ku leh magaalada Kismaayo.

Xafiiska war qabadka Dayniile
Goternburg, Sweden
dayniilecom@hotmail.com
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”