Wafdi balaaran oo ka kooban jaaliyadda dibadda, maamulada dagmooyinka B/xaawo Doolow iyo odayaal dhaqameed ayaa kormeer howled ku kala bixiyay tuulooyinka kala ah Geedwayne Shatoolow iyo Xamare, iyagoo u guurgalayay xaaldda noolaleed ee bulshadda ku dhaqan deegaanadaas. Wafdigan oo ka dhaqaaqay degmadaan B/xaawo iyagoo sii maray dagmada Doolow halkaas oo ay kula kulmeen maamulka dagmada iyo odayaal dhaqameedyo, kana dhagaystay warbixino laguna siiyay talooyin.
Waffigaan oo uu horkacaayay Xaaji Xasan Nuur (Colujoog ) oo ka socda jaaliyadda dibadda gaar ahaan UK ayaa la kulmay dhamaan odayaal dhaqameedyadda degaanadaas, iyagoo qiiymayn ku soo sameeyay dhinacayada waxbarashada ,caafimaadka , beeraha iyo xoolaha nool waxayna warbixino ka dhagaysteen dhamaan qaybaha ay ka kooban tahay bulshada ku nool deegaanadaas
Shaatoolow oo ka tirsan degmada luuq ayaa waxaa dhex mara wadada isku xirta Dolow iyo Luuq, waxaa kaloo mara wabiga juba inkastoo uu ka yara durugsan yahay 4KM. Dadka deegaankaas ku nool shatoolow ayaa waxay ka cabanayaan dhanka caafimaadka wa barashada, biyaha, masaajidka iyo qalabka beeraha, iyagoo jaaliyada ka codsaday in laga taageero arrimahaas wafdiga oo gormeer ku sameeyay goobahii ay ka cabanayeen oo dhan, iyagoo indhahooda ku arkay dhibka ay qabaaan kana garaabay;
Wafdiga ayaan habeenkii ku hoyday shaatooloow aroortiina uga ambabaxay dhanka toolada xamare oo ku taal wabiga jubba, lehna dhulbeereed aad u baaxad wayn, iyagana waxay isaga mid ahaayeen dhanka baahida aas aasiga ah tuuladii shaatooloow waftiga ayaa u dhaqaaqay dhanka beeraha si ay indhahooda ugu arkaan.
Wafdiga oo qado sharaf loogu sameeyay tuuladda xamare ayaa u sii gudbay degmadda Geedwayne iyadoo halkaas ay ku soo dhaweeyeen maamulka deegaanka Geedwayne iyo odayaal iyagoo muujiyay farxad aan la qiyaasi karin halkaas loogu sameeyay wafdiga casho sharaf laguna kala qaatay warbixino iyo isbagoodin iyadoo wax badan ka badalnayd tuulooyinkii aan soo dhaafnay sida biyaha , waxbarashadaba,lakiin waxaa ka baabasanaa masaajidka deegaankaas geedwayne ayaa waxaa ka muuqday horumar aan saas u waynayn.
Sanka-GEDO-NN-B/Xaawo
http://www.gedonet.com/index.php?news=3281
Wafdi Ka Socda Jaaliyadda G/GEDO Oo Kormeer Ku Kale Bixiyay
Moderators: Moderators, Junior Moderators
-
- SomaliNetizen
- Posts: 540
- Joined: Sat Jun 07, 2008 4:33 pm
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 4 Replies
- 1032 Views
-
Last post by Bandit
-
- 2 Replies
- 684 Views
-
Last post by Cirwaaq
-
- 0 Replies
- 422 Views
-
Last post by sheekh-Farax-zero
-
- 2 Replies
- 582 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 556 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 1 Replies
- 433 Views
-
Last post by gemini07
-
- 0 Replies
- 443 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 1 Replies
- 498 Views
-
Last post by vannessa
-
- 0 Replies
- 412 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 716 Views
-
Last post by Adali