Ethiopians=Failure!
Wanla-Weyn: Al-Shabaab oo la wareegay gacan ku heynta degmada Wanla Weyn
6. September 2008
APL
Wanla-Weyn(AllPuntland-Ciidamo ka tirsan ururka Al-Shabaab oo xalay gaaray degmada Wanla Weyn ee gobolka Sh/Hoose ayaa la wareegay gacan ku heynta degmadaasi, iyadoo halkaasina ay ka fuliyeen howlgalo ay kula dagaalamayaan burcadda.
Wax iska caabin ah oo ay la kulmeen Ururka Al-Shabaab ma jirto, waxaana halkaasi ku sugnaa ciidamo ka tirsan maamulka Gobolka oo degmadaasi ka howlgeli jiray, kuwaasi oo ay kala direen Al-Shabaab markii ay la wareegeen gacan ku heynta Wanla Weyn.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in maxaabiistii ku jirtay xabsiga magaalada la kala diray isla markaana la joojiyay howlihii canshuur qaadista ee maamulka degmada wadeen, iyadoo aan la ogeyn halkii ay ku danbeeyeen maamulkii degmada Wanla Weyn.
Ururka Al-Shabaab ayaa mudooyinkii u danbeeyay kordhiyay howlgalada ay kaga soo horjeedaan Dowladda Federaalka iyo ciidamada Afrika ee gacanta siinaya Dowladda Federaalka, iyadoo degmooyin dhowr ah oo ka tirsan Sh/Dhexe ay ku sugan yihiin halka Gobolada Bay iyo Bakool qaar ka mid ah degmooyinka ay maamulaan.
C.M.Cali
AllPuntland.
Al Shabaab takes over Wanlawayn.
Moderators: Moderators, Junior Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 18 Replies
- 1014 Views
-
Last post by abdi ilyas
-
- 1 Replies
- 392 Views
-
Last post by Rifaad
-
- 10 Replies
- 797 Views
-
Last post by Voltage
-
- 4 Replies
- 742 Views
-
Last post by adam2000
-
- 1 Replies
- 297 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 64 Replies
- 3349 Views
-
Last post by gurey25
-
- 4 Replies
- 42 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier
-
- 0 Replies
- 320 Views
-
Last post by Coeus
-
- 2 Replies
- 462 Views
-
Last post by bumps