Sucuudiga Oo Ka Jawaabay Cabasho Dawladda Imbigaati

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Sucuudiga Oo Ka Jawaabay Cabasho Dawladda Imbigaati

Post by Goljano Lion »

Sucuudiga Oo Ka Jawaabay Cabasho Dawladda Imbigaati Kaga Dacwotay Heshiska Al-Jabiri Ee Somaliland
Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: Sucuudiga Oo Ka Jawaabay Cabasho Dawladda Imbigaati

Post by Goljano Lion »

Dawladda Boqortooyada Sucuudiga ayaa jawaab ka bixisay cabasho uga timid dawladda Imbigaati ee uu Madaxweynaha ka yahay Cabdillaahi Yuusuf Axmed, taas oo ku saabsanayd heshiiska xoolo dhoofinta ah ee uu Somaliland la galay ganacsadaha Sucuudiga ah ee Saleban Al-Jaabiri iyo weliba maxjarka uu ganacsadahaasi ka samaynayo dekedda Berbera
Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: Sucuudiga Oo Ka Jawaabay Cabasho Dawladda Imbigaati

Post by Goljano Lion »

Sida uu Geeska Afrika ku baahiyay cadadkiisii 491aad, Dawladda Imbigaati, ayaa muujisay sida ay uga xuntahay heshiiska dhex maray Somaliland iyo ganacsadahaas u dhashay wadanka Sucuudiga, waxaanay cambaaraysay ganacsade Saleban Al-jaabiri oo ay ku eedaysay inuu Somaliland soo galay isaga oo aan fasax ka haysan dawladda taagta daran ee uu Cabdillaahi Yuusuf Madaxweynaha ka yahay
Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: Sucuudiga Oo Ka Jawaabay Cabasho Dawladda Imbigaati

Post by Goljano Lion »

Sulaymaan Cabdi Nuur oo ku magacaaban la taliyaha arrimaha dhaqaalaha ee madaxweynaha dawladda Imbagathi Cabdilaahi Yuusuf Axmed ayaa ku hanjabay in dawladdiisu sharciga la tiigsan doonto ganacsade kasta oo carbeed ama u dhashay dal kale oo shisheeye ah oo heshiis lagu dhoofinayo xoolaha Soomaalida oo aanay dawladdiisu ogeyn la gala Dawladda Somaliland iyo weliba maamul goboleedka Puntland. Waxaanu ninkani sheegay in dawladoodu cabasho arrintaas ku saabsan u gudbin doonto dawladda Sucuudiga, isaga oo xusay in Saleban Al-Jaabiri maxjarada uu ka dhisay Berbera iyo Boosaaso ku bixiyay 40 Milyan oo lacagta Suxuudiga ah
Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: Sucuudiga Oo Ka Jawaabay Cabasho Dawladda Imbigaati

Post by Goljano Lion »

Haddaba, Wasaaradda beeraha ee dalka Sucuudiga ayaa toddobaadkan jawaab ka bixisay cabashadaas dawladda Imbigaati, waxaanay Wasaaradda beeraha ee boqortooyada Sucuudigu cadaysay in aanay wax xidhiidh ah la lahayn mashruuca Maxjarrada xoolaha ay kaga dhisayaan maal gashadayaal u dhashay Sucuudiga iyo dalalka Khaliijku Somaliland iyo meelo kale oo ka tirsan Somaliyaba. Waxaanay xustay in maxjaradaasi gaar u yihiin ganacsadayaal madaxbanaan oo muwaadiniin ah
Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: Sucuudiga Oo Ka Jawaabay Cabasho Dawladda Imbigaati

Post by Goljano Lion »

read the whole article http://www.gabiley.net/
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”