Translate from Somali to English

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
luis1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2460
Joined: Mon Feb 27, 2006 8:28 pm

Translate from Somali to English

Post by luis1 »

User avatar
AbuShabab
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 912
Joined: Tue Sep 30, 2008 9:22 am
Location: Islamic State of Somalia

Re: Translate from Somali to English

Post by AbuShabab »

This isn't a smart post. Asking to translate a very long article for free and without stating for what reason isn't smart.
User avatar
luis1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2460
Joined: Mon Feb 27, 2006 8:28 pm

Re: Translate from Somali to English

Post by luis1 »

WELL MAY YOU TRANSLATE ONLY THIS PART.

MALYUUN QAXOOTI AH OO SOO GALAY SOOMAALIYA

Si ay ugu baxsadaan gumaad kaga imaan lahaa nidaamkii ku caan baxay arxan darada ee kaligii taliyihii Mingiste waxay dadka S/galbeed u soo jabeen dhanka walaalahoodii Soomaaliyeed waxana lagu soo dhaweeyay xeryo Qaxooti oo laga furay waqooyiga iyo koonfurta Soomaaliya oo gaadhay ilaa 21-xero oo ku kala baahsanaa Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Inkasta oo ay dadku soo barakaceen dhibaato baddana kala kulmeen hayaankii ay u soo galeen imaatinka Soomaaliya haddana qaxaasi wuxuu lahaa faa'iidooyinkiisa, sababtoo ah waxay heleen fursaddo waxbarasho oo ay awal ka xidh-xidhnaayeen, waxaa u furmay caalamkii oo dhallinyaro badan oo ka mid ah S/galbeed ay heleen koorsooyin waxbarasho iyo jaamicaadka siiba kuwa islaamiga ah. Ducaaddaasi markii ay soo dhammaysteen waxbarashadoodii jaamacadeed waxay dib ugu soo laabteen dadkoodii oo ay wax bareen, waxaana u suurta gashay Asaasitaanka Ururka Itixaadka Islaamka ee S/galbeed kaasoo samaysinkiisu ku salaysnaa:

1. Baahida shacabka S/galbeed u qabay inuu si dhab ah u fahmo diintiisa oo ah tan wanaaggiisa (aakhiro iyo adduunba) uu ku gaadhayo.
2. Baahida loo qabay in la dareensiiyo dadka inaanu hilmaamin qaddiyadiisa xaqa ah iyo in halgankiisa lagu saleeyo jidka Allaah raaliga ka yahay.



DHAQ-DHAQAAQYADII CULIMADA S/GALBEED EE XERYIHII QAXOOTIGA

Runtii ma ahayn wax sahlan gudashada waajibaadka horyiilay ducaadaas oo ku dhex noolaa xukuumad aad xaasaasiyad uga qabta wixii dhaq-dhaqaaq siyaasadeed ah. Iyadoo ay taasi jirtay hadana waxay ku talaabsadeen mudadii ay dhisnaayeen xeryihii qaxootigu howlo waa weyn oo ay ka mid ahaayeen:

1. Inay fureen Madaaris iyo xalaqaad cilmiga diiniga ah oo dhalinyarada lagu baro culuumta sharciga lagana ilaaliyo dhaqamada khaldan ee aan waafaqsanayn Islaamka kuwaasoo uu shisheeyuhu inta badan kaga faa'iidaysto dadyowga tabarta daran, dhaqmadoodana ku lumiyo.
2. Inay ka hortageen ololihii hay'adaha kiristaamaynta ay ka wadeen xeryihii qaxootiga iyagoo ku soo gabbanaya magacyo kala duwan oo samafal Iwm.

3. Inay shabaabka ku baraarujiyeen naca gaalada iyo sida ay waajibka u tahay in lala dagaallamo oo laga xoreeyo dhulka ay muslimiinta ka haystaan ee ay gumaysato taasoo ay ula jeedeen in aanay marnaba hilmaamin cadawgooda, ruuxda wax iska dhicinta ee dadkuna ay ahaato mid taagan oo aan daciifin.


4. Inay gudihii waddanka S/galbeed u direen sannaddii 1989-kii sahan si loo qiimeeyo xaaladda shacabka, tan gumaysiga iyo sida abaabul dacwo iyo mid halganba looga billaabi karo waddanka hawlgalkaas oo ay hoggaaminayeen ducaad caan ka ahayd waddanka S/galbeed oo uu ka mid ahaa [Alle ha u naxariistee Sheekh C/llaahi Sheekh Axmed Qaasim]. Wafdigaas oo socod ku maray dhamaan goballada iyo degmooyinka dalka iyagoo howlgalkii ku jirana uu yimid bur-burkii Soomaaliya.

Dhamaan howlahaas oo ahaa kuwo u socday si qarsoodi ah oo nidaamsan xawlina leh waxay ahaayeen kuwo lagu guulaystay iyadoo ay aad u kordheen dhalinyaradii kusoo xidhantay culimada howshaas ku mashquulsanayd waxaana soo baxday fikraddii isku xidhka culimada iyo shababka S/galbeed taasoo gundhig u ahyd asaasitaankii uruka Itixaadka Islaamka Soomaali Galbeed ee lagu dhawaaqay markii lagu noqday waddanka.


DIB U SOO NOQOSHADII QAXOOTIGA

13 sano oo ay qaxootigaasi la noolaayeen walaalahooda soomaaliyeed kadib waxaa Jamhuuriyadda Soomaaliya ka dhacay dagaalladii sokeeye ee bur-buriyay wax walba aakhirkiina sababay in xukunka laga tuuro dawladdii Siyaad Bare. Dagaalkaas oo qaatay qaab qabyaaladeed waxaa dadkii S/galbeed qasab ku noqotay in ay dib ugu noqdaan hoygoodii. Dadku waxay guryahoodii ku soo laabteen iyagoo aad u dhibaataysan markii ay waddanka yimaadeenna waxay la soo kulmeen xilli aad u adag oo ay jirto abaar halis ah, hase yeeshee nasiib wanaaggu wuxuu ahaa in markii ay yimaadeenba uu dhacay taliskii Mingiste, xukunkii Itoobiyana ay la wareegtay Jabhadda TPLF ee Qowmiyadda Tigreega.

QABSASHADII TIGREEGA (EPRDF) XUKUNKII ITOOBIYA.

qowmiyada Tigreega waa qowmiyad degta waqooyiga shishe ee Itoobiya., waxaana tirada dadkaas lagu qiyaasaa 3 milyan. waxay ku caan baxday nacaybka ay u qabto diinta Islaamka iyo dadkeeda, waxayna haysataa, Aaminsa tahay Diinta Kirishtaanka gaar ahaan madhabta Orthodox-ka oo ah mad-habta ay haystaan Serbiyiinta ku caan baxday gowraca Muslimiinta Boosnia iyo Kosovo.

Runtii jabhadani in kasta oo ay af-macaan billawgii ku soo gashay amaba samaysay ballanqaadyo haddana marka loo dhabbo galo istaraatiijiyaddeeda iyo hab dhaqankeeda waxba kagama duwana maamulladii hore ee Itoobiya ka soo jiray marka laga eego dhinaca gumaysiga iyo rabitaanka Is-ballaadhinta, balse waxaaba la odhan karaa iyaga ayaa ka daran asbaabo ay ka mid yihiin:

1. Inay yihiin jabhad kiristaanimadeeda rabta inay dhulka ku qabsato kuna fidiso dadka dhaxdooda, taasoo na xusuusinaysa masharuucii kiristaamaynta ee ay ku howlanaayeen talisyadii xabshida. Jabhadani ma oggola muuqashada muslimiinta iyo inay xitaa muujistaan shacaa'irkooda diiniga ah.


2. Inay sameeyaan dastuur aan fulin lahayn, kaasoo u ekaysiinaya in ay oggolyihiin xuquuqda shucuubta lana mid ah kii Mingiste oo isagu sheegan jiray in dawladdiisu tahay dawlad Dimoqraadi ah iyadoo hadafka laga leeyahay ay tahay inay ra'yul caalamka la marin habaabiyo.
3. In ay sameeyeen Is-maamullo dhalanteed ah oo ujeedada laga leeyahay ay tahay in shucuubta laga leexiyo hadafkoodii aaya ka talinta ahaa iyo in aanay ka bixin isjiid-jiidasho dhexdooda ah iyadoo lagu mashquulinayo xilal aan awood fulin lahayn oo magac u yaallo ah.


4. Inay dadka kala dagaalamayaan nolosha iyo muuqashada iyagoo oo wax walba ay dadku u dhoofin lahaayeen dhinaca Soomaaliya ka dhigay koontarabaan isla markana ay dadku ka af-duubanyihiin wax xidhiidh ganacsi ah oo ay la leeyihiin Itoobiya marka laga reebo Jaadka oo loogu tala galay inuu dumiyo noloshooda iyo jiritaankooda.


5. Iyagoo abuura colaad dadka dhaxdiisa ah (xagga Qabaa'ilka) iyo isku dir-dirid siiba xiliyada ay jiraan waxa uu gumaysigu ugu yeedho doorashooyin taasoo ah dabeecada lagu yaqaano gumaysiga ee QAYBI OO XUKUN.
6. Inay la yimaadeen cadaadis aan horaan noociisa oo kale u soo marin shacabka S/galbeed sida ( dilka, jidh-dilka, xadhiga, gubista, dhaca, uus xabaalka iwm)


7. Inay dajiyeen istaraatiijiyad dadka wixii dareen siyaasadeed leh, danqasho wadaniyadeed leh, wax garad ah amaba aan la dhacsanayn dhaqankooda ay kaga qixinayaan wadanka si aanay shacabka ugu gudbinin dareen koodaas

OR GIVE ME AN IDEA.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”