





Riyaale Kaahin oo ka bixiyey Maslax Maxamed Siyaad Bare kharashka is sharaxaada madaxweye ee Somalia
Jan 24 2009 Nairobi(saraarnews) Madaxweynaha Ku meelgaadhka ah ee somaliland Daahir Riyaale kaahin ayaa la sheegay inuu xidhiidh khadka telefoonka ah la yeeshay Musharaxa madaxweyne Maslaxa Maxamed Siyad bare oo ah wiilkii uu dhalay keligii taliyihii hore ee geeriyooday.
Sida ay cadaynayaan dad goob ahaa oo la fadhiyey Maslax siyaad Bare markii wadahadalku dhexmarayey Labadooda ayaa cadeeyey in Madaxweyne Riyaale aqbalay codsi uga yimi dhinaca Maslax Siyaad Bare oo ahaa inuu ka bixiyo Kharashka doorashada madaxtooyada, taasna uu isla markiiba aqbalay isaga oo u sii mariyey xawaalad ka mid ah kuwa laga leeyahay koonfurta somalia xadi lacageed oo dhan (US$125.000) boqol iyo shan iyo labaatan kun oo dollar. si uu ugu isticmaalo wejiga hore ee ka qaybgalka doorashada.
Inkasta oo aanay tani ahayn markii ugu horaysay ee xidhiidh wanaagsani dhex maro Qoyska keligii taliyihii hore ee somalia iyo Daahir Riyaale Kaahin ayaa tani kaga duwan tahay inay tahay mid wadata isgaashaan buuraysi siyaasadeed oo Riyaale ku qancay inaanu ku guulaysan doonin doorashooyinka soo socda sidaa aawadeedna uu meel ka sii xaadh xaadho xilalka somalia.