
the man who brought us c/qasim and now sharif. he gave us hope when we gave up. Djibouti tried very hard to get somalia up in its feet since the collapse but no one has been eagerly engaged in the somali peace process than Ismail Omar Geele. who in this world would work through thousands of intricate pieces of papers and maps and qabiils every iota of it to build a national government, who would host thousands of nomads in Arta to stay in the best hotels and eat in the finest restaurants, and be entertained while at it. He never gave into somaliland's secessionist tendencies when it could well suit him politically since the two communities share borders and are related. he never gave into foreign troops or the xabashi intervention in somalia. Though the Arte conference failed b/c of xabashi, somalia has a new chance and day to start all over, aah, where would we be without Ismail Omar Geele. a true patriot and genius.
Madaxweynaha Dowladda Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle ayaa jeediyay khudbad socotay muddo aad u dheer, taasi oo uu si gaar ah uga hadlayay xaaladda dalka Soomaaliya, dhismaha Dowladda midnimada Qaran ee lagu dhisayo dalkaasi Jabuuti.
Waxa uu sheegay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle in awood dheeraad ah la siiyo Madaxweynaha xukuumadda midnimada Qaran ee berri lagu dooranayo, taasi oo uu sheegay in waxyaabo badan laga bedelo dastuurka xukuumadda ay taasi ku suurtageli karto.
Isagoo ka hadlayay awooda Ra’iisal Wasaaraha xukuumada midnimada Qaran, ayuu sheegay inuu noqdo mid caawiya Madaxweynaha sida Madaxweyne K/Xigeenka Mareykanka oo kale, isla markaana la dhimo awoodiisa.
“Saddex hoggaamiye hal dal ma wada xukumi
karaan, waxaana loo baahan yahay awooda dalka inay noqoto mid kala sareysa” ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle..
Waxa uu sheegay Madaxweynaha dalka Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle in dalka Soomaaliya aanay xasilooni ku soo celin ciidamo shisheeye oo la keeno, wuxuuna ku taliyay in dib u habeyn lagu sameeyo ciidamada kala duwan ee Soomaaliya.
“Askariga Soomaaliga ah waxaa ku filan $100 bishii oo aad uga yar kharajka ku baxaya askariga dibadda looga keeno” ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil Cumar oo ku baaqay in beesha caalamka ay ka qeyb qaataan sidii loo sameyn lahaa ciidamo awood leh oo soo celiya sharciga iyo kala dambeynta.
Isagoo ka hadlayay qabqablayaasha dagaalka Soomaaliya ka wada, waxa uu sheegay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle in ciidamada Dowladda ay ka hortagaan qabqablayaasha dagaalka ka wada gudaha dalka Soomaaliya.

