Mar aanu Xasan Xuseen Maxame, afhayeenka UCID wax ka waydiinay waxa ay ku jawaab celinayaan? Waxa uu noo xaqiijiyay iyagu xisbi ahaan hadii ay UCID yihiin in ay tageerayaan hadalka ka soo yeedhay Kamooshinka iyo deeq bixiyayaasha iyo hay'adaha caalamiga ah'ba oo dhamaantood iyagu ku qancay codsiga Kamooshinka anagu hadii aanu Xisbiga UCID nahay waxa aanu ka soo saaraynaa warsxaafdeed arintani waananu taageeraynaa oo waxa aanu leenahay arintani waa arin qaran ee waxii aynu u soo dhibaatoonay mudo dheer la soo dhisaayay waar yaan cidla lagaga kicin, hadii aanu sidaasi qaadano, oo anu taageerno mawqifka kamooshinka, dhamaan hay'adaha iyo dadka inagu taageeraaya doorashadani way ina garab istaagayaan oo mawqifka Kamooshinka ayay ku qanceen markii ay la kulmeen warbixinona ka dhagaysteen, markaa waxa aanu leenahay waar yaan qaldaado hore oo xukumadu gashay aan arintani lagu qaldin oo lala simin ee arintani waa in aan si taxadir ku jiro u wada eegnaa oo aan dadkeena iyo dalkeena u tudhnaa, anagu markii aanu xisaabinay ee aanu isu wada gaynay wakhtiga la kordhiyay iyo xiligii ay doorasho dhiclahayd ee hore waxa nooga soo baxday wakhti yar oo aan ahayn in dadka iyo dalka toona khal khal loo galiyo. isla markaasna aan hay'adahan inoo heelan aan la niyad jabinin ee la eegaa danteena iyo aayaheena markaa xisbiga UICID, Hadii aanu nahay waanu aqbalaynaa arintaasi wax dhib ahna uma aragno.
adba arintani kordhinta ayaa xisbiga KULMIYE, iyagu ay ka soo hor jeedsadeen isla markaasina ay ku tilmaameen mid aan la aqbalaynin oo ay tahay in xukumada hada jirta uu wakhtigeedii uu dhamaaday ay tahayna in cid kale loo dhiibo inta ay qabsoomayso doorashadu.
Xisibiga UCID Oo Soo Dhaweeyay Mudo Kordhinta
Moderator: Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 203 Views
-
Last post by abdikarim86
-
- 0 Replies
- 236 Views
-
Last post by XimanJaale
-
- 14 Replies
- 897 Views
-
Last post by Goljano Lion
-
- 13 Replies
- 724 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 0 Replies
- 232 Views
-
Last post by Ducaysane_87
-
- 6 Replies
- 609 Views
-
Last post by samadoon-waaxid
-
- 1 Replies
- 679 Views
-
Last post by BigBreak
-
- 0 Replies
- 485 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 3 Replies
- 467 Views
-
Last post by The_Patriot