Xafladan oo ay ka soo qeyb galeen Dhinacyada bulshada iyo Maamulka ayaa waxaa looga hadlay dhibaatada cudurkan Tbda iyo ka hortagiisa waxaana goobta xaflada lagu soo bandhigay waxqabadka Ururka WAMY (World Assembly Muslim Youth).
Saraakiil ka socotaya maamulka islaamiga ee gobolka ayaa ka hadashay waxayna sheegeen in waxqabadka Ururkan WAMY ay soo dhaweynayaa iyo sida ay isugu xilqaameen xarun lagu Karan-tiilo oo lagu Daweeyo Dadka qaba Cudurka Khaaxada.
Madaxa Ururka WAMY Marwo Aamino Max’ed Cismaan oo iyadu ka hadashay ug horeyn munaasabada ayaa sharaxaad ka bixisay sababta dhalisay in xarunta la furo “waxaa ayna sheegtay in markii ay arkeen dhibaatada caafimaad xumo ee haysato Dadka qaba Cudurka TBda iyo Dawo xumida iyo sdioo kale aqoon darida isticmaalka dawada ayaan ku dhiiran in aan si mutadawacnimo ah u furno xaruntan oo aan wax u qabano dadka cudurkan uu haayo islamarkaana aan awoodin in ay iibsadan dawo ama ay sidii la rabay u garan isticmaalka dawada Tbda”.
Sidoo kale waxaa ay intaasi raacisay in dad badan oo qabo cudurkan Tbda ay haatan ku jiraan xaruntooda Dawo tayo lehna ay ku qaataan waxaana sidoo kale ay sheegtay in wacyi gali ay ka wadaan 4ta xaafadood ee Magalaada B/weyne si dadka qaba cudurka aysan u qarsan oo ay sheegtaan si looga daweeyo hadii ay qaban.
“Cudurkan waxaa inta badan keeno gaajada sidaasi waxaa titi Marwo Magaalo Mux’ed oo ka tirsan Haweenka xubnaha ka ah xaruntan WAMY waxayna intaasi ku daray in marka hore laga hortago nafaqo darida iyo baahida si loo yareeyo cudrkan Khaaxada”. Aya hadalkeeda ku soo gabo gabeysay.
Dhamaan qeybihii ka soo qeyb galay munaasabadan waxaa ay isku raaceen in la badiyo wacyi-galinta iyo karan-tiilka Dadka qabo si uusan u faafin Cudurka waxayna ugu baaqeen Ururada ku shaqada leh in la dhiiro galiyo Dadka xarumaha joogo sida kuwa qabo iyo kuwo Daweynayo si looga baaqsado in uu faafo Cudurkan.
Caruur iyo haween qabo cudurka oo ay u socoto Dawada cudurka ayaa iyaguna ka soo qeyb galay xaflada waxaana lagu dhiiro galiyay in ay dhameytsaan dawooyinka munaasabadan maalinta Tbda aduunka oo halku dhigeedu ahaa I Can Stop The TB ayaa waxaa ugu dambeyntii lagu soo gabo galbeeyay riwaday gaabo oo ka tarjimeyso dhibaatada Cudurka hadii la qarsado iyo faa’iidada hadii uu soo bandhigo qofka qabo.
http://www.almaxaakim.com/view.php?id=820
