hadhwanaag 2009-03-31 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Horumarinta iyo Reer Miyiga Somaliland Fu’aad Aadan Cadde, oo wakhtigan ka mid ah Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, ayaa shaki ka muujiyay, isla markaana wax lala yaabo ku tilmaamay tirada 29 iyo Xukuumadda Madaxweyne Rayaale waxa iskaga xidhan.
Fu’aad Aadan Cadde, waxa uu sheegay in muddada dib loogu riixay doorashada 29-ka September 2009. Muddada Madaxweyne Rayaale iyo Ku-xigeenkiisa loo kordhiyay lagu beegay 29-ka October. Wakhtigii hore ee doorashada loo muddeeyay ahayd 29-kii bishan March inay dhacdo iyo tirooyin kale oo 29 ah.
“Qarixii 29-kii October 2008 bay dhacday, doorashadii waxa laga dhigay markii hore 29-kii March, Dhagaxa (Kaabadaha) Madaxweynuhu isku xeeray waa 29, Guurtida uu dirtay Madaxweynuhu ee uu yidhi wax ii saxeexa ee warqaddu ka dhacday waa 29, dadkii ku dhintay Qaraxyadii waxa uu yidhi Madaxweynu waa 29 isaga iyo Allihiisa’e cid uu magsiinayo ama dawaynayo maan arage, dhaawacna muu dawaynine.” Sidaa ayuu yidhi Fu’aad Aadan Cadde.
Wasiirkii hore ee Deegaanka Fu’aad Aadan Cadde, oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi, “Haddana waxa la yidhi 29-ka September waa maalilnta doorashada uu qabanayo, 29-ka October ee sannadkana waa maalinta uu meesha ka tagayo, kamaba tagayo’e. Bal markaa waa in la soo baadhaa, waxan oo 29 ah falna waa la sheegayaye.”
Inkasta oo dad badani is waydiinayeen mucjisada 29-ka ka gashay, Xukuumadda Madaxweyne Rayaale, Komishanka doorashooyinka iyo Golaha Guurtida, haddana ma jirin qof Masuul ah oo wax ka yidhi ama ka hadlay arrintaas. Hase ahaatee, Fu’aad Aadan Cadde ayaa noqonaya masuulkii ugu horeeyay ee ku hadla af Xisbi ee daaha ka roga dareenkiisa ku wajahan 29-ka iyo waxa kaga xidhan Xukuumadda.
Si kastaba ha ahaatee, marba marka ka dambaysa ee ay wax ku beegmaan 29, waxa kor u sii kacaya dareenka dadka, oo intooda badani iswaydiinayso macnaha ay 29 hawl lagu beegay leedahay.
Cabdifataax Ismaciil Mursal
Hadhwanaagnews Reporter
Office/Hargeysa/Somaliland.
Tirada 29 Iyo Ujeedada Ay Xukuumadda Rayaale Ka Leedahay.
Moderator: Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 3 Replies
- 406 Views
-
Last post by Goljano Lion
-
- 1 Replies
- 587 Views
-
Last post by Nubis
-
- 1 Replies
- 331 Views
-
Last post by DawladSade
-
- 8 Replies
- 914 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 0 Replies
- 527 Views
-
Last post by Even123
-
- 0 Replies
- 246 Views
-
Last post by Bohol iyo karaman
-
- 0 Replies
- 4790 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 3 Replies
- 703 Views
-
Last post by Boodh iyo Torre
-
- 30 Replies
- 2729 Views
-
Last post by KyrieJama
