Radio Maandeeq reopened.

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
Voltage
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 29214
Joined: Tue Oct 23, 2007 11:33 pm
Location: Sheikh Voltage ibn Guleid-Shire al-Garbaharawi, Oil Baron

Radio Maandeeq reopened.

Post by Voltage »

Idaacadii Radiyo Maandeeq Oo Hawada Dib Ugu Soo Noqotay
Apr 11,2009
by B/Xaawo-Gedo-News
Idaacadda Maandeeq ee magaalada Beledxaawo oo muddo 24 saac ah xirnayd, kadib markii xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab ee ka arrimiya magaalada Beledxaawo ayaa maanta hawada dib ugu soo noqotay ka dib markii ay maamulka idaacadda Maandeeq iyo ururka Al-Shabaab xubno sarsare oo ka socda kulan qaateen maanta gudaha magaalada.

Barasaabka ururka Alshabaab u qaabilsan gobolka Gedo ayaa waxa uu kulankaas ka hor sheegay in idaacadda qalad lagu haysto, isla markaasna shaqaalaha idaacadda ay hawshooda wadan karaan, wuxuuna kulankii maanta ee labada dhinac sheegay barasaabka in ay khalad ahayd in idaacadda la weydiiyo jadwalkeeda shaqo. Wuxuuna qiray in idaacaddu ay hawlo muhiim ah u haysay bulshada, wuxuuna sidoo kale ka cudur daaray wixii dhacay isagoo shaqaalaha idaacaddana ka codsaday inay hawshooda wataan.

Maamulka sare ee ururka Al-shabaab ayaa waxa ay muujiyeen in khaladaadka la galayo haddiiba ay jiraan looga wadda hadlo si deggan, waxana uu wax laga xumaado ku tilmaamay in maalmo idaacaddu ay xirnaato.

Haatan idaacadda 12kii duhurnimo ayaa dib hawada loogu soo celiyay iyada oo aan barnaamijyadeeda, heesaheeda iyo dhammaan jadwalkeeda waxba laga fara gelinnin. Idaacadda Maandeeq ayaa maalintii Khamiista waxaa irdaha u laabay ururka Alshabaab ee degmada Beledxaawo ka arrimiya.

Gedonet news-B/Xaawo
User avatar
Murax
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 28297
Joined: Sat Dec 29, 2007 4:45 am

Re: Radio Maandeeq reopened.

Post by Murax »

Looks like the kids Had a word from their 'boss' :lol:
User avatar
zingii
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9937
Joined: Thu Sep 11, 2008 2:43 am
Location: Agah, Arlee, Boowe, Gaw, Nooh.

Re: Radio Maandeeq reopened.

Post by zingii »

Murax wrote:Looks like the kids Had a word from their 'boss' :lol:
Which boss? :mrgreen:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”