Rear Dhaiir, wa kumandos!!

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
GENERAL_SNM
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9757
Joined: Fri Jul 13, 2007 1:32 pm
Location: ''Nimankii Maroodiga ahaa mudanki reer Daahir''

Rear Dhaiir, wa kumandos!!

Post by GENERAL_SNM »

“Marse haddii dagaal loo kacoo laysku kululaado
Kufri iyo islaam uumiyuu naga kaxayn waaye
Kitoo miidhan iyo baannu nahay keligi laayaane.”

Dagaalkii Haye oo gabayo badan laga tirshey waxa ka mid ahaa tixdan la yidhaahdo “Keef Xaalak” ee uu Samatar Dakharre ugu jawaabayo nin gabay ku faanay oo Aadan Carab la yidhaahdo. Aadan Cara boo malaa guusha u yaqaan xabbad la iska rido ee aan xisaabin raggii, saanaddii iyo taakulayntii ay ku waayeen Haye ayaa tirshey gabay ay ka mid ahaayeen;

Kolse hadaanan caafiyad dab, iyo ciidan tabanaynin
Casar iyo inaan duhur wax galo, caariyaan bidaye
Waa caado tuug galab inaan, ceelka weeraro'e
Ma cadceeda oo soo baxdeybaan, cudud idiin sheegtay
Cadadkeeda guutada miyaa, samada caad fuulay
Ciir iyo habaas qudha miyey dunidu cowlaatay.

Gabaygu u ekaa tixdii “Habbis” ee Maxamuud Daallin ka tirshey hardankii u dhexeeyey Habarwaa iyo dhawr jilib oo HabarJeclo ah. Iyadoo la wada og yahay ceebtii Shirshooraha iyo Gaaskii ciidanka ahaa ee taageerayey ka raacday Haye, caqliga ayaa diidaya in nin la ciilay gabay noocana tirsho.

Markii gabaygaa Aadan Carab la maqlay waxa ka jawaabay dhawr nin oo uu ka mid yahay Xaaji Cabdi-gii Reer Daahir. Samatar baa Xaajiga gabaygii ku celiyey oo yidhi adna xaqiiq baad ka gabayda ninkaad u jawaabaysaana wuu iska faanaye maa redidid. Cismaan Dawiil oo meesha labada Abwaan fadhiyeen joogay baa Samatar yidhi “Samatarow adigu maad ninkaa cidlada ka faanay wax tidhaahdid” markaasuu Samatar gabaygan ka tirshey isla goobtii. Isagoo Aadan Carab la hadlayana waakii lahaa;

Illeen oday karaar uma eka, oo waa anoo kale'e
Kadeedkii qabsaday Aadan Carab kaar ma ledi waayey
Ma karmaanta aydiyo xaskuu, kabo la'aan jiidhay
Keyse iyo miyaa lagala hadhay koox ilma adeera
Ma kufaakicii baa illaa koonfur la eryaayey
Kaftanka iyo haasaawuhuu keenay ma illaaway.

Digniin: Gabaygan ma dhamma oo intii aan cajaladda maqalkeedu noo saamixin waan ka boodnay:

1. Kaafleyda maansadu beryaha, iguma kaarrayne
2. Waxaan luuqda koolkoolin jirey, laygu kari waaye
3. Karaahaystay haasaawahaan kow ahaan jiraye.

4. Kaftan iyo dhabtoonna uma marin, Koofil dabadeede
5. Maantaa kalkood galay tixii, kaydsanaan jiraye
6. Koow dhaha Cismaanoow haddaan Koobbi qorayaaye.

7. Adigoo kashbacay oo sidii Kebesh u xaydhoobay
8. Oo kadimo geeliyo xeryaa adhigu kaaceero
9. Oo Kobo caleenliyo xareed kuugu kala soofay
10. Oo lacagtu kuu kiilan tahay kiishaddiyo jeebka

11. Oo kibis xalaaliyo nimcada kiribku kuu buuxo
12. Aad dumarkeed koodii kore iyo Kaaha la cawayso
13. Kaftan iyo cayaar laguma galo kabar colaadeede
14. Waxa nabadda lagu kaydsadaa koos adduunyaha'e.

15. Kooraa raggii saari jirey kaynta laga guuray
16. Ee uu kaskoodii qabaal kaban aqoon waayey
17. Mar hadday karuur iyo helaan kaynta midhaheeda

18. Oo uu kacaankuna ayido, oo kooras ugu deeqo
19. Oo Kaarihii dawladdiyo kolanyo loo dhiibo
20. Kartidiisa Daaroodka waa kibir xumaanshaa'e

21. Iyagaan kifaaxeey xornimo kaalinna u joogsan
22. Kuraasida la wada saaray iyo koodhka loo geliyey
23. Kooskaba qabsada waa wixii kaday Shirshooraaye.

24. Kuubba iyo sidii Xabashidii la isu keenkeenay
25. Kulubyada la soo ururusaday iyo Kirib calooleedka
26. Kuukuuyadii ina Siyaad idinku koolleeyey
27. Waataad ku taamteen waxaan idin kafayneyne

28. Annagana Kariimkii allay kiisa noo tahaye
29. Isagaannu kaalmaysannaa keli ahaantiise
30. Kaayaha aduunyadana waa naga kor qaadaaye
31. Kutubtiyo wixii aan ahayn koolajiga diinta
32. Karaahiyada waan necebnihiyo kulanka shaydaane.

33. Marse haddii dagaal loo kacoo laysku kululaado
34. Kufri iyo islaam uumiyuu naga kaxayn waaye
35. Kitoo miidhan iyo baannu nahay keligi laayaane
36. Kabiir iyo saqiir Habar Jecloo kaahiney hurudda
37. Waatay kajiiddada xumaan nagu kalliifeene
38. Kaambeynka waatay galeen karamo duullaane
39. Kamaandowska Reer Daahirkii karinta hawd raacay
40. Kamballada guryaha geelashoo koone uga foofay
41. Oo uu kormeerii la jiro kaynta hore joogey
42. Iyagay kornaylliyo wataan, kibirtan loo doortay
43. Kumanyaal hubkoodii sitaa koox yar weeraraye.

44. Ka kacayda qaylada, warkaan cidiba noo keenin
45. Sidii Kaamil-koodhkii fadhiyey, kodayartii buurta
46. Kob shareeran bay ula galeen kaara-dilihiiye
47. Markaasay kamiis ula dhaceen kii la hayjadaye
48. Ma kor marine shiishkii, siday kamarad haystaane
49. Kurkaa lagala eegtiyo wadnaha kulubidiisiiye
50. Waxba yaan kinaayayn daraan noo kufba ahayne
51. Kashifkii qabsaday reer Garaad koosku ma ogaaday
52. Ma karaama seegeen raggii kaafi laga waayey
53. Kibaaraad miyaa laga diliyo Kaabbe wada naaxay
54. Konton iyo sagaal dheer miyaa lagu kabaal qaaday
55. Kulaanbayda iyo xuunshadii kaday miyaa haagay
56. Kal biyo ah sideedii tukuhu maw kabbaday dhiigga.

57. Kulaylkiyo rasaastii markii keebka lagu waalay
58. Kufur beenayaashii miyaa kabala'aan yaacay
59. Illeen oday karaar uma eka, oo waa anoo kale'e
60. Kadeedkii qabsaday Aadan Carab kaar ma ledi waayey
61. Ma karmaanta aydiyo xaskuu, kabo la'aan jiidhay
62. Keyse iyo miyaa lagala hadhay koox ilma adeera
63. koley wira mar soo roga miyuu kari awood waayey
64. Ma kufaakicii baa illaa koonfur la eryaayey
65. Kaftanka iyo haasaawuhuu keenay ma illaaway.

66. Kacaannimada Buuhoodle waa lagu kalsoonaaye
67. Kobcintii dhaqaaliyo wixii kaalmo lagu siiyey
68. Kaydkii u oollaa miyaan kiilo laga qaadan
69. Ma kelyay u waayeen rag waa kini adaygaaye
70. Koonii markii laga gudbiyo kaalintii debedda
71. Ee uu dagaalkii kordhee kooska wada gaadhay
72. Kebeddii Salmaha, Ciidankii Kabar Ugaadeenya
73. Kambalkeeda Caynaba wixii Kaare hoganaayey
74. Kanooniga madaafiicda, iyo kolanyo jiidaysa
75. Koolaaftankoodii intoo koosan laga gaadhay
76. Kubaddii cagaa iyo sidii, kolayga maw laadnay
77. Kanaalkii furraa iyo nugaal ma uga koor goyney
78. Iyagoo kal dhaafay oo harraad kaynta hoganaaya
79. kol inay daraan ceelashii kalax ma loo diidey
80. Keenada ma daadsheen sidii Koran-bacaad awra
81. Kalcas wiilashii joogay iyo karinta taaggeeda
82. Ma kalooyaduu caayayaa kelebki naafeeyey
83. Waxba yaanan kiilomitirin kaayihii dhacaye
84. Kun awoowo taariikhdu waa koobi noo qorane
85. Korkaa laga hayaa Aadanow kulantideenniiye
86. Kaamkii Taleex iyo illaa, Karin adoo daadsan
87. Nimankaa kadeedkaa qabteen idinka kaalmeeyey
88. Ka abaal dhacaa Reer Isaaq talo ku koobteene
89. Kutaantiyo sidii baw cunteen, dhiigga oo kale'e
90. Kalgacaylka iyo raaxadii, waa ku kibirteene
91. Duqsigii kunbaday baad tihiin fuudki kululaaye
92. Nin waliba wuxuu keensadaa lagu kaxeeyaaye
93. Keef-Xaalak waataad nimcada kadabsan weydeene.
Queen_Arawello
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6096
Joined: Mon Jan 12, 2009 4:23 pm
Location: Aware and Dhagax-Buur

Re: Rear Dhaiir, wa kumandos!!

Post by Queen_Arawello »

Reer Dahir who :lol: Never heard of them 8-)
User avatar
Babygirl-
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12897
Joined: Sat Aug 23, 2008 3:43 pm
Location: Khaatumite soil.

Re: Rear Dhaiir, wa kumandos!!

Post by Babygirl- »

Dahir Ilmo Riyale the spy? :lol:
Queen_Arawello
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6096
Joined: Mon Jan 12, 2009 4:23 pm
Location: Aware and Dhagax-Buur

Re: Rear Dhaiir, wa kumandos!!

Post by Queen_Arawello »

Babygirl- wrote:Dahir Ilmo Riyale the spy? :lol:
:lol: :lol:
User avatar
Keyse_0208
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9898
Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
Location: L D N
Contact:

Re: Rear Dhaiir, wa kumandos!!

Post by Keyse_0208 »

Where do reer daahir settle apart from burco .?
User avatar
GENERAL_SNM
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9757
Joined: Fri Jul 13, 2007 1:32 pm
Location: ''Nimankii Maroodiga ahaa mudanki reer Daahir''

Re: Rear Dhaiir, wa kumandos!!

Post by GENERAL_SNM »

Gabaygan oo aan dhammayni wuxu ka mid ahaa suugaantii laga tiriyey dagaalkii "Haye" ku dhex maray Reer Yuusuf iyo Dhulmahante oo wata Gaas ka mid ah Ciidamadii Qaranka. Gabaygu Ma Dhamma

Ba'da gabay beryaa Aadanoow beeg isma lahayne
Waataan boggaygiyo ka jaray bedenka feedhaaye
Caawana ragbaa igu balfee ma an bilaabeene
Bilaashaqalka iiguma baxdoo ma ihi bayd-gaabe
Mar haddaan barriinsado murtida waan bayimiyaaye

Burunjida Maroodiga ka weyn biliga reer Sheekhe
Haddii bacadku kululaado oo laysku bahardaadsho
Beenta laguma eertee runtaa lagu baqoolaaye
Badda jiifta iyo waxannu nahay buuro xoog badane
Bisinkaa ilaah nagu xawilay oonan baarriyine

Haddii uu banbaanuhu qarxoo beledku qiiqaabo
Baaruud haddii laysku rido amase Baazuuke
Oo lays ba'naansado rag waa kala boqoollaaye
Billad bay halkaa kala tagtaa baha xabuusheede
ishoon bidhiq la siinbay durbaba boqol ku saydhaane

Afartaa bineeyee haddaan baal kale u leexdo
Iyadoo badhaadha gugiyo berisamaad joogta
Oo ay barwaaqadu da'doo boga la maalaayo
Abidkoodba boqor jaahilay bigil u qaadaane
Basarki ilaahay ka qaad beledi Daaroode
Iyagoo bayaan u arkayay nabaddi biiyeene

Buuhoodle duulkii ku shiray jaray bidhaantoode
Beeshii Wacays Aadan iyo Hagarki baanaayey
Cali Gerigi baashaa u tegey biishka la cunsiiye
La bardaan biyii geed-quwaax baqa daraadoode
Biixiyaa mataanaha ka jabe reer Biciid yahane
Bogga Tuurwareen waxa ku go'ay boonti reer Gedo'e
Biirbiir la soo ururiyaan biidna kuu tarine
Balli Shiikh bartaa qararro, iyo bananki Heegaale
Bogcaddaa Hayiyo Qaydar-Jeex bower naga raacye
Teeriyo Birroolena waa badanyay meydkoode

Birjab baa Ugaadeen ku dhacay laguna baalbaalye
Buundadii Wardheer iyo ka carar baro Walwaaleede
Baqtigoodu waakaa ka uray webiga baalkiise
Allaylehe burdaa loogu taxay biidhi-qaatihiye
Billaawa-cadda Habar yoonisbaa goysey boqontiiye
Markuu Arab boggaa kaga riduu keenay bawdada'e
Haddii goob dagaal loo ballamo oo buunka la afuufo
Sacad Muuse waa badanyahoo keenyey baariga'e
Iyaguna bartay jiifsadaan looga kala baydhye
BeeBeega iyo Kaarahay kugu badugaane

Ninki belada heensaday ma helo baarax nabadeede
Berri waxaynu eegnaaba waa balanbalkiinniiye
banjartee halkiinnaa ku jira boobte taladiiye
User avatar
The Magnificent
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2463
Joined: Wed Oct 25, 2006 7:29 pm
Location: Chillin' and Drinking 2 cubs of Arabian Tea With General Mohamed Said Hirsi 'Morgan' !!!!!!

Re: Rear Dhaiir, wa kumandos!!

Post by The Magnificent »

General_SNM, I rather read the 10 commandments, than reading your bullshyt calacaal. :lol: :lol:
User avatar
GENERAL_SNM
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9757
Joined: Fri Jul 13, 2007 1:32 pm
Location: ''Nimankii Maroodiga ahaa mudanki reer Daahir''

Re: Rear Dhaiir, wa kumandos!!

Post by GENERAL_SNM »

Keyse_0208 wrote:Where do reer daahir settle apart from burco .?
Togdheer Iyo Hawd.... 8-)

Let me know if my Dhulbahnte fanbase would be interested in any more history... :lol: :clap:
User avatar
Babygirl-
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12897
Joined: Sat Aug 23, 2008 3:43 pm
Location: Khaatumite soil.

Re: Rear Dhaiir, wa kumandos!!

Post by Babygirl- »

We are tired of your calacaals naaga jooji or all your shit will be deleted & you will be banned.. :up: 8-)
User avatar
GENERAL_SNM
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9757
Joined: Fri Jul 13, 2007 1:32 pm
Location: ''Nimankii Maroodiga ahaa mudanki reer Daahir''

Re: Rear Dhaiir, wa kumandos!!

Post by GENERAL_SNM »

:clap: :clap: :clap:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sool”