Xubnaha ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ee ku sugan degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa Abaabul dagaal oo ku wajahan gobolada ay maamulaan xoogaga Islaamiyiinta ka wada degmadaasi Doolow.
Masuuliyiin ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya kuna sugan degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa sheegay in degmadaasi ay ka socdaan Abaabul iyo dhaq dhaqaaq ciidan kii ugu dambeeyay oo ku wajahan deegaanada ay ka arimiyaan xoogaga islaamiyiinta gaar ahaan gobolada Bay,Bakool iyo Gedo.
Cabdi Barre Cabdi oo ah Afhayeenka Maamulkii dowladda ee gobolka Gedo oo xalay u waramayay Idaacada Shabelle isagoo ku sugan degmada Doolow ayaa sheegay in maalmihii ugu dambeeyay degmada Doolow ay ka soconayeen diyaar garowgii ugu dambeeyay isagoo sheegay in halkaasi ay ku kulmeen xildhibaano iyo masuuliyiin ka tirsan maamulada dowladda KMG Soomaaliya ee ka soo kala jeeda gobolada Bay,Bakool iyo Gedo,waxaan uu sheegay in lagu heshiiyay in ay howlgalo la bilaabaan goboladaasi.
Cabdi Barre ayaa waxa la weydiiyay Saameynta uu Abaabulkaani dagaal ku yeelan karo baaqyadii nabadeed ee dhawaanahaan ka soo kala yeeray dhinacyada isku haya Gobolka Gedo,waxaana uu sheegay in arintaasi ay ku daaleen odayaasha dhaqanka ee gobolkaasi.
Sidoo kale masuul u hadlay Ururka Xisbul Islaam ee gobolka Gedo oo lagu magacaabao Max’ed Ibraahim oo isna xalay u waramayay Idaacada Shabelle ayaa jawaab kulul waxaa uu ka bixiyay hadalada ka soo yeeray masuuliyiinta ku sugan degmada Doolow isagoo Sheegay in xarakooyinka Al Shabaab iyo Xisbul Islaam ay si buuxda uga hortagi doonaan isku day kasta oo kaga yimaada masuuliyiinta dowladda ee ku sugan Doolow.
Si kastaba ha ahaatee waxaa soo baxaya dareen cabsi watta oo laga muujinayo Abaabulka Ciidan ee ka soconaya degmada Doolow ee gobolka Gedo kuna taala Xaduuda u dhaxeeysa dalalka Ethiopia iyo Soomaaliya,iyadoo xubno ka tirsan odayaasha dhaqanka ee gobolka Gedo ay ku tilmaameen abaabuladaasi kuwa wiiqi kara hanaanka nabadeed ee gobolka iyagoo dhinaca kalena ka digay dagalo ka dhaca gobolka iyo meelo ka mid ah dalka Soomaaliya.
Another front of the war is about to open and Shabab defenses are streched their already fighting in Galguduud,Hiiraan,Middle Shabelle,Banadir now Gedo and Bakool and beliee me there will be airstrikes Shabab are too simple to see whats going on ..poor dhalinyaro will be toast in two weeks time


