1 Luliyo celebrated only in Dolow and Galgadud

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

1 Luliyo celebrated only in Dolow and Galgadud

Post by CoolPoisons »

Doloow-(GMN) Degmada Doolow ee gobolkan Gedo oo ay ku suganyihiin masuuliyiin isugu jirta Xildhibaano,saraakiil ciidan iyo maamuladii dawlada ee gobolada K/Galbeed ee soomaaliya ayaa maanta laga xusay 1-da luulyo.



49 guuradii ka soo wareegtay markii ay xoroobeen gobolada Koofureed ee soomaaliya islamarkaasna ay israaceen walaalaha soomaaliyeed Koonfur iyo Waqooyi ayaa waxaa munaasabadaasi goobjoog ka ahaa Xildhibaan Bare Hiiraale, Xildhibaan Maxamuud sayid, Maxamed Cabdi Kaliil maamulkii dalwada ee Gedo. C/rashiid Janan gudoomiyaha Deg Doolow, Cabdibare Cabdi Afhayeenka maamulka dawlada ee Gedo, Isaaq Gooroow iskubadirihii wasaarada maamliyada G/Gedo ee maamulkii Dawlada, Yaasiin Raadeer Gudoomiyihii Degmada Kismaayo Maamulkii Dawlada, Col Warfaa Sh Aadan iyo xubno kale oo aad u farabadan oo ka tirsan mamulada gobolka K/Galbeed ee soomaaliya.



Goobtaasi munaasabada ay ka soconaysay ayaa amnigeeda si xoogan loo adkeeyay ,iyadoo ay gaafwareegayeen ciidamo qaba labiska ciidamada oo halkaasi la geeyay saaka waabarigii.



Munaasabada oo bilaabatay 9-kii subaxnimo ayaa waxaa dadka ka qeygalay ay dhamaantood ahaayeen kuwa ay ka muuqanaysay xamaasad iyo wadanimo maadaama manta oo kale ay soomaalida uga dhigantahay maalin weyn.



Masuuliyiintii goobtaasi ka hadashay ayaa waxa ay tilmaameen in nasiib daro ay tahay maanta xaalka dalka uu ku suganyahay marka laga hadlayo arrimaha amaanka iyo kala dambaynta.



Dhinaca kale G/Galgaduud ayaa waxaa si weyn looga xusayaa sanad guuradii 49 ee halkaasoo oo ay ku suganyihiin maamulka Ehlusuna waljameeca.waxaana ay muujiyeen dabaal degyo iyo damaashaadyo la xiriira munaasabadaasi.



Maxamed Gaarane Aadan

gaarane68@hotmail.com

Gedoonlinenews@gmail.com

http://www.gedoonline.com/?p=4269
User avatar
BaasAbuur
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2868
Joined: Mon Dec 09, 2002 7:00 pm
Location: Appealing for the release of Volkert van der Graaf.

Re: 1 Luliyo celebrated only in Dolow and Galgadud

Post by BaasAbuur »

Coolpoison, I heard Reer Axmed are beefing with Barre Hiiraale. Ma runbaa.
User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Re: 1 Luliyo celebrated only in Dolow and Galgadud

Post by CoolPoisons »

ma filayo. Rer Ahmed waa geesiyal.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”