Galkacyo Security Being Tightened Further

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Osman-NZ
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 606
Joined: Thu Jul 02, 2009 8:50 pm

Galkacyo Security Being Tightened Further

Post by Osman-NZ »


kulamo looga tashanayo arimaha amaanka gobolka mudug oo ka socda Magaalada galkacayo >>>>

abdirahmaan Mohamed koronto
allidamaale.com-(xafiiska-Somalia-Garoowe)
Isniin 13 Jul 2009


Gaalkacyo-(Allidamaale):-Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa waxaa ka soconaaya dadaalo xoogan oo dib logu xoojinayo amaanka, kuwaas oo ay wadaan wafdi dhawan gaaray magaalada Gaalkacyo oou hugaaminayay Gudoomiyaha Golaha wakiilada Puntland Cabdi rashiid Maxamed Xirse.

Dhaq dhaqaan ayaa ah mid la rabo in dib la iskugu keeno dhamaan Ciidamadii amniga Gobalka Mudug waxana arintaan ka danbaysay kidib markii maalmahaan wafdiga gudoomiyaha horkacyo kulama kala duwan la qaateen Maamulka Gobalka saraakiisha, amaanka, waxgardka, iyo bulshada inteeda kale.

Shirarkii ugu danbeeyay ee Maamulka Gobalka iyo Wafdigaan ay isla qaaten ayaa ila xoog ogaal ah waxa ay u sheegeen Shabakada Allidamaale.com in la isku afgartay in amaanka la xoojiyo lagana hortago waxkasta oo loo arko in amaanka khal khal ay galin karaan lana mideeyo ciidamada amniga Gobalka.

Waa markii ugu horaysay ee wafdi ka kooban dhoor xubnood oo iskugu jira Golaha Xukuumada Golaha wakiilada agaasimayaal saraakiil ciidan, ay garaan Magaalada Gaalkacyo tan iyo xiligii maamulka haatan jira la soo magacaabay waxana shacabka ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo soo dhawayen dadaaladaan.

Allidamaale.com
Your Reliable Sources
Source:http://allidamaale.com/July/warka1539.htm
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”