Abwaan Axmed Saleebaan Bide Oo Barnaamij Nabadeynta ah u Sam

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Ducaysane_87
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3997
Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane

Abwaan Axmed Saleebaan Bide Oo Barnaamij Nabadeynta ah u Sam

Post by Ducaysane_87 »

Abwaan Axmed Saleebaan Bide Oo Barnaamij Nabadeynta ah u Sameeyay Xiisadda Colaadda Ceelbardaale, Tix Geeraar ahna ka Allifay


Hargeysa (Oodweynenews)- Abwaanka weyn ee Axmed Saleebaan Bide, ayaa barnaamij wacyigalinta nabadda ah ka sameeyay xiisadda u dhexeysa beelaha ood-wadaagta ah ee walaalaha ah ee muranku ugu dhexeeyo dhulka degaanka Ceelbardaale oo muddooyinkan dambe, guud ahaanba haldoorka reer Somaliland oo dhammi il gaar ah ku eegayaan arrimaha ka aloosan gaar ahaan falkii qafaalashada ahaa ee lagu xidhiidhiyey xiisada halkaa kataagan afar qof oo aan waxba galabsanina ku nafwaayeen jidka u dhexeeya Boorama iyo Gabiley.

Haddaba arrintaas oo ugub ku ah bulshada Somaliland iyo weliba arrinta colaada deegaanka Ceelbardaale ee soo noqnoqotey ayaa abwaanka weyn Axmed Saleebaan Bide barnaamijkiisa wacyigalinta u ah lama huraanka nabada kuwada noolaanshaha dadkaasi walaalaha ah ayuu dareenkiisa ku cabiray murti iyo erayo kooban oo uu kaga qeyb qaadanayo daminta xiisada, taas oo uu ku suntey halheyska Alla aamin Ma Iisho oo ah kooxdiisa ah erayada uu kaga qeyb qaatey iyo hadalkiisa waxa uu abwaanka oo shalay u waramay shabakada wararka ee ssdwo uu hadalkiisa ku bilaabaysidan:

“Barnaamijakan waxaanu kaga qeyb qaadaneynaa, badbaadada beelaha Galbeed ee beryahan danbeba balaayada soo noqnoqoneysa bal qabsoo ay ku warwareegeysey, tan oo aanu allaha weyn ee Boqorka ah, ee casiiska ah aanu kaga beryeyno in uu dabka kaga bakhtiiyo, illeyn bulshada reer Somaliland oo dhammi arrintan wey layaaban tahee,” ayuu yidhi Abwaan Axmed Saleebaan Bide.

Waxa kale oo uu Abwaanku intaa ku darey hadalkiisa isagoo tilmaan kabixinaya culeyska iyo dhibta ay arintani leedahey.

“Arintani Laba Beelood wey kaga weyn tahaye, Illaahey Waxanu ka baryeynaa in xidida loo saaro belaayada,” ayuu yidhi Axmed Saleebaan Bide.

Haddaba hadalkiisaa oo ahaa arartii hordhaca barnaamijkiisa wacyigelinta ah ee uu kula qaboojinayo beelaha Oodwadaagta ah eek u hirdamaya dhulka degaanka Ceelbardaale

Dhinaca kalena aynu ku milcsano murtidii koobneyd iyo geeraarka uu ku cabirey dareenkiisa ee ku waajahan xiisadaasi.

Geeraarkaas oo dhameys tiranina waa kan isagoo dhameys tiran.

“Belaayada Lama jeclaado oo jab iyo hoog lama watee, arrin jirid adkaataba jid iyo ceelbaa baxshee.

Malaha Jiidahan Galbeed jafladu wey dhaafsan tahee wax laba beelood dhexdood kujira,e

Ee dhaqanta iyo caadada jirta marnaba yaan hooy lajarin, haddey jeer dhacdeyna dib yaan loo jideynin taasi.

Bulshadu wey is jiidhaa waaney kala joogsataaye maxaa tolow jabadka galey.

Ujeeddadu wey fogtahoo gudinka nacab kuu jaraa ee juqaalkiyo daabkana wadani jeerba talo jilicsanaadey, shisheeye wax kujaro yidhaa.

Ibleyskaa wanaag ka jiidha, oo jahada daranbey martaaye, waligiin jeerkey dhacdaba markuu Ololkeedu jagac yidhaa dabkeeda ku jabiya biyaha.

Hadaanu diradiruhu jirin oon ibleys dunida joogin, oo sheydaan nacab aaney jaar aheyn, oo aanu qoysas laba ah jaar, amase beelaha laf iyo jiidh ah ficlka naarta u jimbica iyo shisheeye, jalowga ugaraacin.

Jibo iyo ceebi may dhaceene ka joogsada baa layidhi, waligiin iska jira baa layidhi.

Waa waxey jeerkii kastaba jalaad culimadu u leedahey, wadada janada iyo nabada jaliilkeenii iyo rasuulku (SWC) Jideeyeen eey ina fareen jab iyo naar haka dooranina jeer walba waa la inagu yidhaaye.

Inagu arin gaalo kuma jirno sanebna maba jiro,o xageenee jidkii nabiga iyo ilaaheybaynu salaada ugu jirnaaye, Jaceylkeenu waa islaame ka joogsada Dirirta Jaarka ,oo kajooga jahanamo dhibteeda.

(“Ninbaa waxa lagu yidhi jibo aan lugo laheyni waa tee”).

Jawaabtii wuxu kuyidhi jibo aan lugo laheyni waata, waa belaayada adigiyo isku jebisa jaarkaaga,” ayuu Abwaan Axmed Saleebaan Bide Geeraarkiisa kusoo gunaanadey.

Gabagabadiina waxa uu abwaanku intaa ku darey geeraarkiisa dardaaranka ah Walaalayaal kajoogsada waxyeelada, dirirta, ceebta, dheg-xumada, geerida, iska-daba taga, aarsiga, kagungaadhid la,aanta rarimaha dhulka isku heyntooda.

Oodweynenews Desk/Hargaysa


http://www.oodweynenews.com/display_pag ... cleid=8989
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”