Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka
UCID
Justice And Welfare Party
Date, August 1, 2009
Ujeeddo: Warsaxaafadeed
Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka (UCID) isagoo tix-raacaya wareysigii Gudoomiyaha KDQ Jamac Maxamuud Cumar (Jamac Sweden) uu siiyay laanta Af-Soomaliga ee BBC-da maalintii taariikhdu ahayd 28/07/2009, waraysigaasi oo uu ku burburiyay hashiisyadii iyo xeerarkii ee ay wada Aqbaleen, wada saxeexeena 3-da Xisbi Qaran iyo komishinka doorashooyinka Qaranka, ee ahayd in la qaato natiijada ka soo baxda server-ka, waraysigaasi wuxuu baal marsanaa xeerarka ka soo baxay haya'daha sharciga ah ee Somaliland, ee ahaa "in aan lagu galin doorashooyika bilaa diiwangelin".
Dhawaaqa xubnahaas ka soo baxay ee xukuumaduna hagaysey waxay lid ku tahay geedi socodka diimooqraadiyada iyo xeerarkii la xidhiidha, dhabar jabna ku ah horumarkii iyo himiladii ummaddu higsnaysey, waxay kaloo niyad jab ku tahay bulshadii caalamka ee danaynaysey in ay ummaddani wax noqoto.
Xisbiga UCID wuxuu Golaha wakiilada u soo jeedinayaa in xubnahaas oo dambi culus Qarankan ka galay xasaanadda laga qaado si sharciga loo hor geeyo.
Xisbiga UCID wuxuu diyaar u yahay in uu doorashada ka qayb galo marka la ixtiraamo habkii hore loogu heshiiyay ee ahaa in la qaato natiijada ka soo baxda server-ka laguna hawlgalo, wakhtigii loo cayimayna lagu qabto.
Xisbiga UCID wuxu ku baaqayaa in nidaamkii doorashadu ku socotay dib loogu soo laabto, isla markaasna loo hogaansamo shuruucda dalka
Xisbigu wuxuu go'aansaday in aanu la shaqaynayn Guddida doorashooyinka inta ay 4-taa xubnood ee sharciga ku tuntay ay joogaan, gudoomiyane uu ka yahay Jamac Sweden. Xisbigu wuxuu ku dhaganyahay in aanu wadashaqan la yeelanayn gelaynna doorasho ay hogaaminayaana xunbanaasi laga bilaabo 01/08/2009.
Ugu dambeyn Xisbiga UCID wuxuu ugu baaqayaa dadwaynaha Reer Somaliland dibed iyo gudaba oo ay ka midyihiin:- Culumaa'udiinka, hogaan dhaqameedyada, Ganacsatada, ururada aan dawliga ahayn, saxaafada iyo aqoonyahanadu in ay difaacaan dimuqraadiyadii iyo nabadgeliyadii ay ku naaloonayeen 19-kii sanno ee ay Somaliland jirtey, oo maantana maraysa meel halis ah, oo ay ku dumikaraan guulihii la gaadhay iyo jiritaanka Somalilandba.
Alla Mahad Leh
Afhayeenka Xisbiga UCID
Md Xasan Xuseen Maxamed (Codyare)
http://www.qarannews.com/index.php?opti ... &Itemid=62
Warsaxaafadeed ay xisbiga UCID Soo saareen
Moderator: Moderators
- Ducaysane_87
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 3997
- Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
- Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 531 Views
-
Last post by Ducaysane_87
-
- 2 Replies
- 539 Views
-
Last post by Bohol iyo karaman
-
- 14 Replies
- 1139 Views
-
Last post by fagash_killer
-
- 5 Replies
- 1021 Views
-
Last post by Somalistan
-
- 9 Replies
- 777 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 0 Replies
- 563 Views
-
Last post by fagash_killer
-
- 0 Replies
- 363 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 2 Replies
- 741 Views
-
Last post by Siciid85