

Ganacsatada Gobolka Bari oo Deeq Raashiin ah Gaarsiiyey Qoxootiga Boosaaso (Sawiro)
Published on: September 11,2009 Garowe Time 1:05 pm
Ganacsatada gobolka Bari ayaa maanta deeq raashiin ah gaarsiiyey 1000-qoys oo ka mid ah dadka soo barakacay ee ku nool xeryaha qoxootiga ee magaalada Boosaaso.
Guddi ka socda ganacsatada oo soo maray xeryaha qoxootiga ee magaalada Boosaaso ayaa u qeybiyey qoysas gaaraya 1000 qoys oo ku nool xeryaha qoxootiyada Boosaaso raashiinkaasi oo isugu jira bariis iyo sonkor.
Sheekh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur oo ka mid ah culimada gobolka Bari kana mid ahaa ganacsatadii maanta cuntada ka qeybisey xeryaha qoxootiga Boosaaso ayaa sheegay in raashiinkan ay ugu talogaleen in dadka uu ku filnaado waqti kooban, isla markaana uu bilow fiican u yahay in ganacsatada iyo dadka kale ee doonaya inay deeq sidan oo kale gaarsiiyaan dadka liita ee ku nool magaalada.
Sida ay ganacsatada sheegeen waxaa raashiinkan oo isugu jira bariis iyo sonkor loo arkay inuu muhim u yahay nolosha aas aasiga ah ee dadka xilligan, maadaama dadka badankiis aaney awoodin inay iibsadaan cuntada daruuriga ah.
Waxaa raashiin qeybintan ay ganacsatadu ku soo beegeen iyadoo loo diyaar garoobayo munaasabada Ciidul Fidriga isla markaana aysan dadku wada awoodin inay baxsadaan Zakaatul Fidriga.
Qoysaska ka faa’ideystey raashiinkan deeqda ah waxaa ku jira dadkii ka soo barakacay gobolada koonfurta dalka iyo qeybo ka mid ah Bariga Ethiopia.
Dhowaan ayaa maamulka gobolka Bari waxa uu soo saarey baaq uu u jeedinayo ganacsatada gobolka inay gargaaraan walaalaha ku dhibaateysan xeryaha qoxootiga ee Boosaaso.
Ganacsatada gobolka Bari waxay sanad walbasidan oo kale kasameeyeen xeryaha qoxootiyada Boosaaso cunto qeybin lagu soo beego bisha Ramadan.
Cabdalle Muumin
RBC- Radio
You should be grateful you hamari and hargeysa idps, u see how well bossaso people are feeding you!!!

