Maleeshiyaad taabacsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagusoo waramayaa in ey gacanta ku dhigeen inta badan magaalada Kismaayo, iyadoona dhinicii kale ee Xisbul Islaam laga saaray goobihii ey ku jireen islamarkaana ey iminka ka dagaalamayaan duleedka magaalada.
Xisbul Islaam ayey wararku sheegayaan in maleeshiyaadkooda laba loo kala jabiyay iyadoona qeyb ka mid ah iminka banaanka looga saaray magaalada.
Sarkaal u hadlay Al-Shabaab ayaa saxaafadda u sheegay in dagaalka uu iminka marayo gabo-gabo islamarkaana waxa uu ugu yeeray "MURTADIINTII" ey kaga guuleysteen dagaalkii saakay bilowday.
Labada dhinac ayaa iminka isku eedeynaya in midba midka kale uu dagaalka bilaabay.
Dhinaca kale qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa uu soo gaaray dadka shacabka ah oo ey qaarkood guryohooda ugu tageen madaafiicdii la isweydaarsanayay, waxaana sidoo kale qasaare uu ka jiraa dhinacyada ey dirirtu u dhaxeyso.
Meydadka maleeshiyaadka dagaalamaya iyo dad rayid ah ayaa waxa ey daadsan yihiin wadooyinka qaar, iayadoona ey dariiqyada haawanayaan oo ey rasaas culus socoto.
Warbixintan oo aanu ku heleyno khadka taleefanka ayaa sheegeysa in uu wali dagaalku socdo islamarkaana la iskala baxay xaafadaha qaar, walow qeybo kale oo magaalada ah uu wali dagaalka ka socdo.
Kooxahan dagaalamaya ayaa isku haya gacan ku haynta magaalada Kismaayo.
Wixii kusoo kordha kala soco Calanka
MURTADIINTII oo Banaanka loo saaray kismayo
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 8 Replies
- 1403 Views
-
Last post by theyuusuf143
-
- 10 Replies
- 689 Views
-
Last post by Twisted_Logic
-
- 10 Replies
- 934 Views
-
Last post by EEGA9
-
- 26 Replies
- 1595 Views
-
Last post by Advo
-
- 17 Replies
- 1780 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 0 Replies
- 383 Views
-
Last post by afisoone
-
- 10 Replies
- 1723 Views
-
Last post by DaroorMan
-
- 1 Replies
- 594 Views
-
Last post by The_Patriot
-
- 3 Replies
- 620 Views
-
Last post by SLJOOFAY