Guddida Joogtada Ah Ee Golaha Guurtida Oo Go’aamo Ka Soo Saa

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
MrPrestige
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10104
Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~

Guddida Joogtada Ah Ee Golaha Guurtida Oo Go’aamo Ka Soo Saa

Post by MrPrestige »

Guddida Joogtada Ah Ee Golaha Guurtida Oo Go’aamo Ka Soo Saartay Khilaaf Ba’an Oo Muddooyinkaaba Ka Taagnaa Guryihii Ay Geli-jireen Hobaladii Waaberi Ee Hargaysa



Hargeysa (Oodweynenews)- Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland, oo muddooyinkan-ba ku hawlanaa soo af-jarida iyo xal-u-helida khilaafka beryahaaba ka taagaa guryaha Hobaladii Kooxda Waaberi ay ku jiri jireen ee xaafada Gol-janno ee degmada 26-ka June ee magaalada Hargeysa, oo ay isku haysteen qaar ka tirsanaa Hoballadii Waaberi ee ku jiri jiray guryahaas iyo dad shacbiya oo degay guryahaasi xilligii dalka laga xoreeyay taliskii Siyaad Barre ee 1991-kii lagu soo guryo noqday wadanka.

Guryahaas Hoballadii Waaberi ay deganaan jireen ayay hoboladaasi ku doodayaan, in dadka ku jira looga saaro, taas oo qoysaska ku jiraana ay diideen inay ka guuraan, oo guddida joogtada golaha guurtida ay labada dhinac u soo gudbiyaan dacwadahooda, ayaa inkasta oo aanay guddida joogtada guurtidu waxa qoraal warsaxaafadeed ah ka soo saarin go’aanada ay ku xaliyeen muranka ka taagan guryahaasi.

Waxaana go'aamadaas ay soo saaren Guddida joogtada ee Golaha Guurtida ka mid ah:

In guryahaasi ay yihiin dhismayaal dan guud ah,

Dad shacabka ah ee degana ay xukuumada ugu soo jeediyeen in dhul ay degaan oo kale la dejiyo, taas oo ilo wareedaydaasi ay sheegeen in guddidaasi ay go’aamadoodaas oo qoraala ay shalay u gudbiyeeen madaxweyne Daahir Rayaale iyo maayarka caasimada Xuseen Maxamuud Jiciir.

Murankan guryaha hoboladii waaberi, oo qaar ka tirsanaa hoboladaasi ay leeyihiin waa in xukuumadu nooga saarto dadka degan dhismayaha iyo dhulka uu dhusmahaasi leeyahay-ba, taas oo ay qoysaska dananina ku doodayaan in dhismayaasha ay yihiin meel dawladeed, balse aanay hayn meel ay sheegtaan shakhsiyaad kaliya.

Qoysaska dhismahan iyo dhulka dayrka gudahiisa degan, ayaa isugu jira qaar ka soo jeeda ama ka mid ah hobollada iyo qoysas shacbiya oo dagay 1991-kii dalka xilligii lagu soo guryo noqday, kuwaas oo ka soo guuray xeriyihii qoxootiga ee shacbigan reer Somaliland u qaxeen wakhtigii sideetamaadkii ee lagu jiray halgankii dibu xoraynta dalka, islamarkaana ay ku dagaalamayeen ciidamadii Maxamed Siyaad Barre iyo xoogagii xaq u dirirka SNM.



Oodweynenews.com/ Hargeysa Office
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”