Hargaysa: Masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE Oo Maanta Ka Qayb-galay Xaflad Si Wetn Loo Soo Agaasimay + Khudbadihii Ay Ka Jeediyeen
Hargaysa (Oodweynenews)- Gudoomiye ku xigeenka xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye Muj. Muuse BiixiCabdi iyo masuuliyiin xisbigaasi ka tirsan, ayaa maanta ka qayb galay xaflad lagu furayay xafiis cusub oo dhalinyarada iyo haweenka xaafadaasi kaga hawlgalayaan taageerada xisbiga Kulmiye ku leeyahay degmada 26-ka June.
Xafladan oo ay soo qabanqaabiyeen garabka dhalinyarada, garabkahaweenka, waxgaradka iyo odayaasha degmada 26ka June, ayaa masuuliyiinta xisbiga Kulmiye oo xafaladan ka hadalay ay xukuumadatalada haysa iyo xisbigeeda Udub ay faro- baas ku hayaan dhalinyarada, kuna tilmaamay in ay dhalinta mustaqbalkooda luminayaan, taas oo sabab uga dhigeen, in berayahan dambe Udub olole ballaadhan xaafadaha caasimada ka wado, kharashaadna ku bixnayso siday dhalinyarada maskaxda uga bedeli lahayd, islamarkaana qaad, mukhaadaraad iyo laaluush u baran lahaayeen.
Sidoo kale waxa xafladan ka hadlay gudoomiyaha degmada, gudomiyaha garabka haweenka ee xisbiga Kulmiye iyo xubno kale oo ka mid ah dhalinyarada xaafadaasi, sheegayna sida ay uga xun yihiin talaabada xukuumada Rayaale iyo xisbigiisa Udub ka dhex wadaan dhalinyarada sidii ay u kala fogayn lahaayeen lacago iyo fidmo-na dhex dhigayso, waxayna sheegeen in xukuumadu taas uga dan leedahay in mustaqbalka kalumiso, balse ay dhalinyaradu arrimaasi dareensan yihiin, isla markaana aanay taasi ka soconayn.
Ugu horayn xafladaas waxa khudbad kooban ka jeediyey gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee gobolka Hargeysa Axmed Cumar C/llaahi (Xamarji), oo sheegay sida ay ugu faraxsan yihiin ka soo qaybgalka xafladan degmada26-ka June lagu qabtay, taas oo uu ku tilmaamay in qabanqaabadeeda ay leeyihiin dadweynaha degan xaafadaasi, tahayna meel taarikh ku leh dalka iyo halgankii la soo maray qayb libaaxna ka soo qaateen.
“Aadbaan ugu faraxsanahay ka soo qaybgalka xafladan, waxaanan idiin soo jeedinayaa dadweynaha xaafada 26ka June sida aad u soo qabanqaabiseen xafladan, dareenkiina aad ku muujinaysaa taageerada aad u haysaan xisbiga Kulmiye, beri hore waxa dhacday oo la odhan jiray la iskuma jiree June-baanu nahay, maanta tii baa cadaatay, hormuud baad u ahaydeen halgamadii la soo maray ee dalka Somaliland lagu xoreeyay, anagu xisbi Kulmiye ahaan inaanu horumarino waxbarashadiina, caafimaadkiina iyo wax qabad run ah ayaanu balan-qadaynaa Insha Allaah.” Ayuu yidhi Xamrji,
Waxana uu inraa raaciyey oo uu yidhi “Waxaan idiin sheegayaa waad arkaysaan Udub iyo xukuumadu lacagta ay ku bixinayso dhalinyarada ee ay mustaqbalkooda kaga ciyaarayso, taasna laguma gaadho meel, anagu xafladan qiimaha leh ee lanagu soo casuumay $1dolar kumaanu bixin ee waxa soo qabanqabiyey oo siku soo duba riday waa dadka xaafadan degan. Hadaba waxa imika aynu galaynaa sidii maamulkan loo bedeli lahaa doorasho dhacda intaas baa inagaga hadhay.
Gudoomiyaha ololaha ee gobollada galbeedka Somaliland ee XisbigaKulmiye Baashe Cabdi Gaboobe oo xafladan ka hadlay, ayaa ku eedeeyay xukuumada in aybwadaan barnaamij qaldan isla markaana lagu baa’biinayo dhalinyaradii mustaqbalka dalka, arrintaa oo uu ku tilmaamay fal naxariis daro ah oodhalinta mustaqbalkooda lagu waydaarinayo laaluush iyo lagac la dhexdhigo lagu mashquulinyo.
Waxaana isagoo arrintaas ka hadlayana uu yidhi “Xukuumadii iyo xisbigeeda Udub waxay u soo jeesteen inay dhalinyaradii lacago ku soo dhex tuuraan, isla markaana taa lagu doonayo in mustaqbalka lagaga ciyaaro oo baa’biiyaan halkii wax loo gaqaban lahaa, markaa mustqbalkii dhalinyarda ayaa la baa’biinayaa taana raali kama nihin wax aanu aqbalaynana maaha, waxaan leeyahay xukumada laaluushka iyo musuqmaasuqa wada waa arrimhii Maxamed Xaashi Cilmi ka hadli jiray hantida la lumsaday, waa lagactii ummada wax loogu qaban lahaa, waxaan idiin sheegayaa dawlada Safiirkeedii jogay Paris ee matalayey wadanka waxay u diri kari wayday woxoogaa kharash ah oo dhakhtarkii uu ku jiray ayuu ka soo qaylinayaa, bal maxaad u malaynwax kale oo ay qabato.”
Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo isna halkaas ka hadlay, ayaa si kulul uga hadlay mustaqbalka dhalinta da’yarta ee maamulka dalka manta taladiisahayaa lumiyeen, wakhtigan xaadirka ahna ka dhex wadaan olole da’yarta laga baa’biinayo mustqbalka himiladii ay hiigsaanayeen.
Dr. Gaboose waxa kale oo uu sheegay in dimuqradiyadii reer Somalilandku doonayeen inay dhacdo doorasho xor iyo xalaal, cabudhin, cagojuglayn iyo sharci daro ay xukuumada Rayaale kula dhaqamayso ummada, isaga oo xaqiijiyey in gobollada bari gaar ahaan togdheer iyo Sanaag xisbiga Udub aan rajo u oolin isla markaana in laga taageero Udub ayka soo dhamaatay.
“Walaalayaal xukuumadani doorasho been-beena oo dimoqraadiyadii la cabudhinayo waa saambal noocaas ah ayaa ka socota, miyaynu ogolaanaa, waa maya, ma raadkeenii baynu dib uraacnaa? Waa maya, hadaba xaqiiqda dhabta ahi waxa weeye in la fahmowaxa socda.” Ayuu yidhi Dr. Gaboose.
Waxaana uu intaa ku ladhay oo uu yidhi “Waxaan idiin sheegayaa Ceerigaabo iyo Burco waa laga soo laalaabay Udub iyo sumcadeedii, markaa xisbiga Kulmiye ee qaaliga insha allaah bedel wanaagsan. Dhalinyaradii mustaqbal ma hayaan oo waad arkaysaan sida wax loo wado.”
Axmed Muxumed Madar oo ka mid ah masuuliyiinta Kulmiye oo xafladan isaguna ka hadlay, ayaa sheegay in dhalinyaradu ay tahay mustaqbalka iyo xoogga bari talada dalka qaban doona, tilmaamayna in wakhtiganxaadirka ah dhalinyaro badan o reer Somaliland ahi ay dalka ka tahriibeen islamarkaana baddaha ku dhamaadeen, inta joogtana xukuumadatalada haysaa ka dhex wado isku dayo ay ku doonayso sidii aymustaqbalka uga kharibi lahayd islamarkaana waxyaabo aan loo baahnaynay ku isticmaalayso, ka mid yahay mukhaadaraad iyo iwm, waxanu yidhi “Dhalinyaradu waa xoogii dalka, waa mustaqbalkii beri, waa ogtihiin indhalinyaradii dalka ka baxday ay baddaha ku dhamaadeen, intiijoogtayna waxay ku wadaa inay maskaxda kas bedesho oo ay laaluush iyoiyo qaad barto oo mustaqbalka ka dumiso, markaa dhalinyarooy waxaanleeyahay waxay doonayaan inuu maskaxda idinka bedelo isbedelsiyaasadeed ayaana ina go’an oo la helo.”
Mr Jiir Cali Madoobe oo ayaa isuguna sheegay in xisbiga Kulmiye yahayka kaliya ee cadaalada ugu dhow, isaga oo ugu baaqay dadweynaha intalada dalka loo doorto Kulmiye uu hogaamiyo, waxana uu sheegay inXisbiga Kulmiye ay taalo aqoontii iyo caqliyadii saliimka ahaa, halkauu shasiyaad kale oo Udub ka tirsana ku tilmaamay in aanay halkaajoogin aqoon iyo waxgaradnimo midna, waxana uu yidhi “ waxaan idinkula talinayaa in xisbiga Kulmiye ay cadaalad iyo aqoontii dalku kuururtay lana dorto Xisbiga Kulmiye, waxaan taaganahay Kulmiye oocaqliyadii iyo aqoontii joogto, waa Maxamed Xaashi, Gaboose, MuuseBiixi, Abiib Timacade, Maxaed Cabdi Iskeerse iyo qaar kale oo badan,udub waxba ma yaalaan ma la isku doorsan karaa kuwaa aan soo sheegayiyo Cali Gobanimo iyo C/llaahi Ciro, tirade yare e reerkayaga ah eek usii hadhsan Udub waxaan u sheegayaa waxaan joogaa xisbigii Kulmiye eedalkan hogaamin lahaa, waxba halkaa idiinma yaalaan” ayuu yidhi. Waxa kale oo xafaladaasi ka hadlay xubno xisbiga ka tirsan iyotaageerayaal oo sheegay in xukuumadu ku fashilantay hogaamintii dalkaee loo igmaday islamarkaana lagama maarmaan ay tahay in isbedelsiyaasadeed dalka ka dhaco.Jibriil Jaamac oo ka mid ah dhalinyarada degmada 26ka June, ayaaxafladan ka tiriyey gabay ka turjumaya waxtar la’aanta iyo tayo xumadaxukuumada Rayaale.
C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/heersare]
Oodweynenews.com/ Hargaysa/Somaliland
Cabdiheersare01@hotmail.com/heersare2009@gmail.com
Hargaysa: Masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE Oo Maanta Ka Qayb-ga
Moderator: Moderators
- MrPrestige
- SomaliNet Super

- Posts: 10104
- Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
- Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 359 Views
-
Last post by AbduQadir
-
- 2 Replies
- 580 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 0 Replies
- 500 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 0 Replies
- 477 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 0 Replies
- 411 Views
-
Last post by Abdi-Samatar
-
- 4 Replies
- 779 Views
-
Last post by salafi_student
-
- 1 Replies
- 716 Views
-
Last post by AsadSL
-
- 1 Replies
- 662 Views
-
Last post by fagash_killer
-
- 0 Replies
- 627 Views
-
Last post by KingWaslawi