GAROOWE: Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku soo beegan Garoowe
Posted to the Web Oct 24, 08:24
Garoowe (PP) - Wafti balaaran oo hogaaminayo Madaxweynaha Puntland ayaa saacadaha soo socda waxaa ay ku soo fool leeyihiin Magaalada Garowe ee Caasimaada Puntland iyagoo ka soo kicintimay Magaaada Bosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland walow aan la ogeyn waftiga Madaxweynaha Puntland in ay weheliyaan kuxigeenkiisa Jen. C/samad Cali Shire iyo Maxamuud Muuse Xirsi Jen Cade oo dhawaan ka soo degay Magaalada Bosaaso.
Waftigaan Madaxweynaha ayaan ilaa iyo hada soo gaarin Magaalada Garowe ee Xarunta Caasimada ah ee Puntland iyadoo Waftiga Madaxweynaha ay boqolaal dada uga hortageen tuulada 22 masuuliyiin ah oo ka socda Maamulka Puntland oo ay hogaaminayaa Gudoomiyaha Gobalka Cabdi Xirsi Cali iyo Duqa Magaalada Garowe ee Cabdicasiis Nuur Cilmi iyo ardayda, Ururada Haweenka Gobalka Nugaal.
Wafigaan Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa waxaan la sheegay intii aysan ka soo kicintimid Magaalad Bosaaso in ay isaga iyo Maxamuud Muuse Xirsi ay kulamo la qaateen Isimada Gobalka bari iyo waxgaradka iyagoo ka codsaday in xaaladaha Gobalka bari la dajiyo.
Madaxweynaha Puntlanad ayaa waxaa uu isimada Gobalka ka codsaday in ay iyagu yihiin laf dhabarta bulshada ayna gacan weyn ka geysan karaan dajinta Xaalada Ufeyn ee Gobalka bari loogana baahan yahay iney tixgaliyaan heshiiskii labada beelood ay kuwada gaareen Garoonka weyn ee ee magaalada Bosaaso.
http://www.puntlandpost.com/newspage.php?articleid=9197
Wixi warar ah oo naga soo gaara Waftiga Madaxweynaha Puntland dib ayaan idin kaga soo sheegi doonaa Hadii ale idmo.
Siciid C/salaan Siciid
Wakiilka Puntlandpost-Garowe
E-mail
loole15@hotmail.com