Mogadishu waxaa ku nool dad badan oo ay gacmaha iyo lugaha jareen Al-Shabaab,agoon ay aabayaashood goowraceen iyo qaar ay miino ku laayeen.
Dhacdadii ugu xumeeyd ee laba todobaad ka hor ay xulufada Xisbul Xasan Dahir ku kaceen ayaa ahayd iyagoo nin dhaqtara ku dilay Sigaar uu cabayay,inkastoo markii dambe ay ninkaas qisaaseen.
Koofurta Somalia waxaa ka dhici jiray dhacdooyin fool xun hasse yeeshee taariikhda waa markii ugu horeysay ee la arko,lugo iyo gacmo xaqdaro loo jaray.lana suray tabeelayaasha wadooyinka faras magaalaha si dadweynaha loogu cabsi geliyo




