Mudaaharaadyaasha ayaa ku qaylinaayay Melelise ha dhaco, Itoobiya ha dhacdo, waxaa lasoo gaadhay xiligii uu caalamku ka hadli lahaa Ogaadeenya iwm. Waxaa amakaag noqotay markii Meles Zenaawi oo lagu wado Bas uu soo maray jidka ay ku banaanbaxayeen jaaliyaadka Yurub ee Soomaalida Ogaadeenya, dhiigya cab Zenawi ayaa markiiba isku dayay inuu ka eego daaqada baska laakiin markii uu indhaha ku dhuftay ee arkay calanka JWXO & Erayo ka dhan ah maamulkiisa ayuu u adkaysan waayay uuna si kadis ah usii daayay daaha dariishada, waxaa arin aad looga yaabo ahayd iyada oo uu jawiga Copenhagen uu ahaa mid aad u qabow ayna ka dhacayaan baraf & dabaylo in ay Jaaliyaadka Yurub ee Ogaadeenya ku sugnaayeen daleeda ka soo horjeeda madasha shirka.






