Laba Carruur Ah oo Ku Dhintay Qarax Miino oo Ka Dhacay Duleedka Laascaanood.
argeysa(Ramaas) Dis.23, 2009 - Laba Carruur ah ayaa galabta ku dhintay magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, ka dib markii ay gargaraaceen miino taalay duleedka barri ee Magaaladaasi, sida uu shabakada Ramaas News u xaqiijiyay fiidkii caawa Taliyaha qeybta Booliska ee Gobolka Sool Maxamed Cabdilaahi Gooni.
"Way jirtay waxa walax miino ah oo taallay duleedka Barri ee Magaalada Laascaanood ku dhintay laba carruur ah oo gargaraacay,balse ma jiro wax kale oo dhibaato ah iyo carruur kale oo ku dhaawacmayba,"ayuu yidhi Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Sool, oo khadka Telefoonka aanu kula xidhiidhnay.
Dhinaca kale, Nabadgelyada Magaalada Laascaanood iyo deegaamada Gobolka Sool ayaa aad loo adkeeyay waxaanay ciidamada ammaanku heegan ugu jiraan sidii ay uga hortagi lahaayeen dambiyada iyo facaa'ilka nabad gelyada iyo xasiloonida lagu wiiqi karo.
1-dii Bishii November ee la soo dhaafay ayay ahayd markii qarax miino oo qorshaysan lagu khaarajiyay Taliyihii qeybta 12-aad ee Ciidanka qaranka Marxuum- Cismaan Yuusuf Nuur, hase yeeshee illaa imika wax maxkamad ah lama soo taagin 21 eedeysane oo ciidamadu u qabteen kiiska dilkiisa. iyaddoo ay todobaadkii hore Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland sheegay in Maxkamad la soo taagi doono dadkii loo qabtay dilkii sarkaalkaasi.
Ramaasnews Desk
Hargeisa
Laba Carruur Ah oo Ku Dhintay Qarax Miino oo Ka Dhacay Dulee
Moderator: Moderators
- Abdi-Samatar
- Posts: 163
- Joined: Tue Apr 07, 2009 4:32 pm
- Location: Soul Chamber.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 583 Views
-
Last post by Ganjaweed
-
- 0 Replies
- 262 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 0 Replies
- 372 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 9 Replies
- 778 Views
-
Last post by ciyaal_warta
-
- 8 Replies
- 1029 Views
-
Last post by Coeus
-
- 17 Replies
- 2011 Views
-
Last post by Complicated19
-
- 23 Replies
- 178 Views
-
Last post by Xamud.
-
- 13 Replies
- 1170 Views
-
Last post by Babygirl-
-
- 23 Replies
- 2562 Views
-
Last post by Xamud.
-
- 2 Replies
- 762 Views
-
Last post by Somali-Transporter