

Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland ayaa waxaa uu maxkamada ka hor akhriyey qoraal kaasoo ah eedeymaha labadaan nin,waxaana uu sheegay in eedeysanaha koowaad oo ah Xuseen Maxamed Cali uu ka tirsanyahay Xarakada Al-Shabaab uuna qaabilsanaa dhinaca kala gudbinta hubka iyo Sawir qaadida.
Waxaana uu sidoo kale sheegay in uu Xuseen uu kala gooshi jiray magaalooyinka Hargeysa,Muqdisho,Kismaayo iyo Beledweyne,isagoo inta badan magaaladda Hargeysa kasoo qaadi jira hubka,waxyaalaha qarxa iyo kiimikada laga sameeyo waxyaalaha wax lagu qarxiyo,lana qabtay isagoo gashan dharka dumarka.
http://horseedmedia.net/2010/01/maxkama ... aysawirro/