Garaad Jaamac “…Soomaliland baa kusoo duushay gogoshii shirkii Hol Hol…” (Dhageyso Wareysi)
January 25, 2010Garaadka Guud ee Beesha Dhulbahante ee Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa Wareysi khaas ah oo uu siiyey Horseed Media uga waramay dib u dhacii ku yimid shirkii lagu waday inuu ka dhaco deegaanka Hol Hol ee gobalka Sool.
Garaad Jaamac ayaa sheegay in xiligan uu ku sugan yahay Saaxdheer halkaas oo uu shalay gaaray, kadib markii uu ka ambabaxay magaalada Garowe.
Dhegayso Wareysigii Garaad Jaamac
Garaadka ayaa sheegay inuusan gaarin Hol Hol oo uu sheegay inay shalay ka warheleen in ay gogoshii shirka ku duuleen ciidamo ka socday Soomaliland oo ka baxay Laascaanood. Garaad Jaamac ayaa sheegay in Issimadii asaga ka horeeyey oo aan ka warqabin weerarka ciidamada Soomaliland ee tagay Hol Hol ay halkaasi hada ku xaniban yihiin.
Wuxuuna sheegay Garaadka in ciidamada Soomaaliland ay halkaasi kusoo duuleen, asagoo ka digay in wax dhibaato ah loo geysto Issimada halkaasi ku sugan.
“…waanu ka digaynaa in wax dhib ah loo geysto Issimada ku sugan Hol Hol, haday dhacdona cawaaqib xumo ayaa ka imaaneysa…” ayuu yiri Garaad Jaamac oo khadka talefonka ugu waramayey Horseed Media.
Garaad Jaamac oo ka hadlay qorshahooda hada ayaa sheegay in ay ahmiyada hada tahay issimada ku sugan Hol Hol inay halkaasi si nabad ah uga soo baxaan.
Garaad Jaamac ayaa sheegay in shirkii Hol Hol in loogu talo galay oday dhaqameedka beesha Dhulbahante, looguna talo galay in go’aamadii kasoo baxay shirkii Horseed ee ka dhacay Nairobi loogu gudbin lahaa dadkii aan nasiibka u yeelan inay ka qeyb galaan. Asagoo sheegay in shirkan uu qorshihiisa ahaa in lagu kala qeybsado hawsha iyo fulinta go’aamadii laga soo saaray shirkii Nairobi, loona taageeri lahaa hogaankii loo doortay inuu wax ka qabto xaalada ka taagan Laascaanood.
Garaad Jaamac ayaa sheegay in shirkaasi iyo iswareysigan uusan suurto gal noqon inuu dhaco maadaama aysan issimada halkaasi joogay aysan xoriyadooda helin oo ay halkaasi tageen ciidamada Soomaaliland.
Horseed Media
Tags: Garaad Jamac, hol hol, Laascaanood
This is so humiliating ma waxa laga wayeey nin dhulos oo yidha nacala idoor ku yaal ka leexda garaad jamac garaad cali. War waxan goorma xiniyihi laga siibay.