Faarax Macalin Dawaaraa oo lagu heysto hadalo uu ka jeediyey Somaliland
--------------------------------------------------------------------------------
Published: 1 March 2010
KN: Wasaarada arrimaha dibada Kenya ayaa warqad codsi ah u qortey baarlamaanka Kenya si baaritaan loogu sameeyo Faarax Macalin Dawaaraa oo ah gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka baaritaankaasi oo la xariira hadalo uu jeediyey xili uu socdaan rasmu ah ku joogey Somaliland
KismaayoNews ayaa fahamsan in DKMG ah iyo maamul goboleedka Puntland ay dacwad ka gudbiyeen Dawaaraa taasoo la xariirta hadalo ka caraysiiyey oo uu Faarax ka jeediyey booqashaddii December, 2009 uu ku tagay Somaliland .
Wasiirka arrimaha dibada Kenya Mosas Watangula ayaa sheegey in codsigaasi ay barlamaankan u gudbiyeen uu la xariiro hadal kicin ah, isla markaasina dhiirogalinaya kala qobqob Soomaaliya gudaheeda ah oo uu ka jeediyey Somaliland.
Puntland ayaa si weyn uga xanaaqdey socdaalka Dawaaraa uu ku tagay magaalada Laascaanood, iyadoo wasiir ka tirsan uu si xun u dhaleeceeyey socdaalka Faarax.
Xubin ka tirsan gudiga difaaca iyo xiriirka caalamiga ah ee baarlamaanka Kenya Aadan Keynaan aya xaqiijiyey in codsigaasi uu soo gaaray, ayna dhawaan gudiga horkeenayaan Dawaaraa si ay wax uga weeydiiyaan eedeymaha oo ay tahay markii koowaad oo taariikhda Kenya baaritaan ceynkan ah lagu sameeyo qof xilkan haya.
Dacwadan Puntland iyo DKMG ah ay sida wadajirka uga gudbiyeen Dawaaraa ayaa saameyn xun ku yeelanaysa xiriirka siyaasiyiinta Soomaalida Kenya iyo DKMG ah, sidaasi waxaa noo sheegey xubin sare oo ka tirsan dowlada Kenya oo aan dooneyn in magaciisa la shaaciyo, waxaa arrintani si gaar ah farta loogu fiiqayaa Cali Ameeriko oo ah safiirka DKMG ah u fadhiya Kenya iyo Ra;isulwasaare Cumar Cabdirashiid oo dhawaan Kenya booqasho uu ku tagay cabashada gudbiyey sida uu xubintani noo sheegey.
Lama oga in arrintani ay ku lug leedahay muranka ka dhaxeeya xisbiyada PNU iyo ODM oo uu ka tirsanyahay Dawaaraa xilli baarlamaanke Kenya ay tahay in uu cod ku meel mariyo arrimo waaweyn oo la'isku heysto, sida in wasiiro loo qaado codka kalsoonida iyadoo la xasuusto gacantii birta ahayd ee Dawaaraa uu ku maamuley codbixintii codka kalsooniga loo qaaday wasiirkii maliyada ee hore ee lagu heystey fadeexadii Grand Regency. Dad badan ayaa waxa ay farta ku fiiqayaan in Faarax hogaamintiisa aan eexda lahayn aqalka baarlamaanka dhexdiisa uu dhibane u yahay oo la doonayo in meesha laga leexiyo si baarlamaanka loo mariyo wax alaale wixii la doono.
By David Ochami
Sunday, February 28, 2010
Deputy Speaker Farah Maalim
For the first time in the country’s history, Parliament will investigate a Deputy Speaker for his activities while on official duty abroad.
Foreign Affairs Minister Moses Wetang’ula has written to Parliament’s Defence and Foreign Relations Committee to investigate Deputy Speaker Farah Maalim’s activities on a tour of Somaliland in December last year.
The cause is key speeches he is alleged to have made that reportedly promoted separatism in Somalia and fostered ethnic disharmony between Somaliland and Puntland.
Committee chairman Adan Keynan admitted at the weekend that the minister wrote a letter seeking investigation, but declined to provide details citing Parliament’s Standing Orders.
"It is true we have received the complaint and we are going to work on it," said Mr Keynan, who added Maalim "will be summoned soon".
According to sources, Wetang’ula wants the Lagdera MP probed for speeches he made at various functions when he visited Somaliland between December 22 and December 29, which allegedly caused tension in the two regions of Somaliland.
But the TFG’s Ambassador to Kenya Muhamed Ali Nur denied any knowledge of a protest by his Government, although he was aware of Maalim’s visit. He also denied knowledge of any controversy stirred by Maalim. The Deputy Speaker could not be reached for comment.
Source: Standard