Silaanyo & Cali Samatar, two Criminals in US Court.

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
salafi_student
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2223
Joined: Mon Dec 19, 2005 3:47 pm
Location: If you would only listen, I can educate you!

Silaanyo & Cali Samatar, two Criminals in US Court.

Post by salafi_student »

Waxa dhowaan loo gudbiyey maxakamda sare ee Maraykanka dacwad muddo sanado ah socotey oo ay soo oogeen dad markii hore Soomaali ahaa haatanse u ololeeya maamulaka gooni-u-goosiga Soomaalilaaa. (ak Disney )

Waxa dad badan oo is lahaa malaha caradii dagaalada sokeeya way sii yaraanaysaa la yaab ku noqotey sida dadka qaar ay uga go’an tahay in la sii qodqodo oo marba la soo nooleeyo is nacayb la dhex dhigo Soomaalida.

Arrintan oo ahayd mid si aad ah looga soo fekeray marka aad eegto ninka la soo abaarey oo ah nin wax qabadkiisa iyo shakhsiyadiisuba u taagan yihiin qaranka Soomaaliyeed, ayaa runtii kicisey carada dad badan.

Taas oo ahayd ujeedadii markii horeba arrinta laga lahaa.


Haddaba su’aashu waxay tahay; “Ahmed Siilaanyo Imisa qof buu diley ama ceqaabey?”, maadaama nin waliba nidaamkii uu madaxda ka ahaa wixii soo maray la weydiinayo? Su’aashaas waxaan weydiiyey nin aan magciisa ku soo koobayo Kamaal (maaha magaciisa runta ah) oo ii sheegay arrin iga fajicisey: “Siilaanyo wuxuu diley aabahey!”



Waxay ahayd bishii sadexaad 1991-kii. Ciidanka SNM oo uu hogaaminayo “Gaashaanle Dhexe Ahmed Mire” waxay Yimaadeen deegaanka caanka ah ee Jidbaale ee gobolka Sool, iyagoo dadkii degaanka shir isugu yeeray si looga tashado “maamul sameyn iyo nabadeynta beelaha” maadaaama dawladdii dhexe dhacdey. Waxaa baabuurta lagu soo xirxirey calamo cadcad iyo caleemo qoyan oo ka tarjumaya nabad iyo farxad. Waxaa shirkii yimi ilaa 100 nin oo degaaanka Sool ah. Markii shirkii loo fadhiistey ayaa duhurkii waxa golihii wareeg ka qabtey ciidan SNM ah oo qarsoonaa oo wata tekniko xoog leh. Waxa markiiba hubka laga dhigey dadkii shirka loogu yeeray oo qaarkood qoryahoodii reer miyiga wateen. Waxaa la isugu geeyey meel banaan waxaana lagu amrey inay xaga qoraxda u jeestaan. Ka gadaalna waxaa lagu furey qoryaha baaska ah. Goobtaas waxaa lagu diley aabahay iyo 82 nin oo kale. Waxaa ka badbaadey tobaneeyo nin oo iyagu markii horeba shakiyey oo cararaey markii ay ciidanka kale arkeen, iyagaana arrinta soo sheegay oo warka keenay.



Dadku maxay u wada fakan waayeen markii la arkay ciidanka? Waxa loo sheegay in ciidanku yahay waardiyihii Ahmed Siialaanyo oo shirka imanaya, una socda koonfur. Waxaa la isku haleeyey madaxda ciidanka oo uu hogaaminayey G. dhexe Axmed Mire oo la wada garanayey, oo la is lahaa waxba dhici maayaan inta uu joogo!

Maxaa loo dacweyn waayey Axmed Siilaanyo?



Kamaal; “Lama rabin in arrimaha dadka kiciya la sii wad wado”, “waxaan rajaynayney in la iska ilaawo wixii la soo maray oo aan dadka la sii kala fogeyn.” “Laakiin haddii laga hari waayo arrimaha noocaas ah waxay noqoneysaa in Siilaanyo iyo wixii la shaqeyn jirey la dacweeyo.”

Waxan weydiiyey “ma markaas keli ah baa arrinkan oo kale dhacay?”


Kmaal; “maya, marar badan buu uruuka SNM dad shacab ah xasuuqey.”


Imisa qof bay dileen, inta aad maqashey?

Kamaal: “Ilaa dhowr kun oo qof oo Sool iyo Sanaag iyo Buuhoodle ah bay dileen!”, “markhaatiyaashii weli wey nool yihiin.”



Liibaan Gamadeed
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”