The Few Left in the UDUB Losers Party Defects to KULMIYE

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

The Few Left in the UDUB Losers Party Defects to KULMIYE

Post by LiQaaye_TDH »

Masuuliyiinta sarsare ee Xisbiga KULMIYE, ayaa maanta si diiran u soo dhaweeyey boqolaal qof oo Xisbigooda ku soo biiray, isla markaana waxay ku qaabileen Xaflado waawayn oo maanta lagu qabtay Xarunta Xisbigaas ee magaalada Hargeysa iyo Tuulada Abaarso ee duleedka Caasimadda.

Taageerayaashan oo ka mid ah Beelaha deegaanka Gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa),isla markaana caddeeyay in badankoodu ay ka soo baxeen Xisbil-xaakimka UDUB, taageeradii ay UDUB u hayeenna maanta ula soo wareegeen dhinaca Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, oo ay sheegeen inay hoo iyo hiil-ba isla garab-taagayaan, wakhtiga doorashadana codkooda siin doonaan Musharixiinta jagada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka ee KULMIYE.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna murashaxa jagada madaxweyneha Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed-Siilaanyo), Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee KULMNIYE Muuse Biiixi Cabdi,Guddoomiyaha ololaha doorashada madaxtooyada ee Gobollada Galbeedka Somaliland Baashe Cabdi Gaboobe iyo Masuuliyiin kale ayaa taageerayaashan cusub ee maanta xisbigooda ku soo biiray si kal iyo laab ah ugu soo dhaweeyey Xisbiga. Waxaanay sheegeen inay dhammaantood ku faraxsan yihiin boqolaalkan qof ee KULMIYE soo galay. iyaga oo Masuuliyiintaasi tilmaamay inay maanta reer KULMIYE u tahay maalin weyn oo farxadeed oo guul weyni u soo hoyatay Xisbigooda.

Musharaxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye Axmed-Siilaanyo, ayaa khudbad dheer oo uu madashaa ka jeediyey, ayaa sheegay in dhammaan KULMIYE iyo Taageerayaashiisu diyaar u yihiin doorasho xor iyo xalaal ah oo dalka ka dhacda xilliga Guddiga doorashooyinku u cayimeen inay qabsoonto doorashada Madaxtooyadu 26-ka Juun 2010-ka oo wax yari ka hadhsan yihiin. Md. Siilaanyo oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi; "Waxa aynu dhammaanteen diyaar u nahay in doorashada soo socota ee Madaxtooyadu ay innoo noqoto mid xor iyo xalaal ah, oo caddaalad ku fadhida, waxa aad ka warhaysaan in xoreyntii dalkeenna aynu u soo marnay halgan qadhaadh oo dheer, haddii aynu nahay Xisbiga Kulmiyena waxa aynu nahay kuwa mar kasta nabadgalyada wadanka ilaalinaya ee uu xilka ugu wayni ka saaran yahay nabadgalyada iyo dhawriddeeda iyo guud ahaanba danaha dalka dhinac kasta oo ay tahay.."

Guddoomiye Axmed-Siilaanyo, waxa uu ka waramay tirada doorashadii hore ee Madaxtooyada lagaga guulaystay, qaabkii uu u haniyeeyey iyo go'aankiisa maanta haddii mar labaad laga guulaysto uga meel-yaalla. "Doorashadii hore waad ogeydeen oo Annaga oo eegayna danta Qaranka Somaliland ayaannu 80 ugaga tagnay, maantana haddii cod la igaga helo doorashada soo socota ee Madaxtooyada diyaar baan u ahay in aan haneeyo. Laakiin, maanta waxa aan aad ugu kalsoonahay in Ummadda reer somaliland ay codkooda i siinayaan oo ay i barbar taagan yihiin,waxaanan leeyahay bulshada Somaliland ee i taageersan waad mahadsan tihiin walaallayaal." Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee u taagan jagada Madaxweynaha Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo.

Maxamed Cabdi Arabay oo ka mid ah Odayaasha waaweyn ee Reer Hargeysa, isla markaana taageerayaasha maanta kULMIYE ku soo biiray Beeshiisa ahaayeen,ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay inuu arko boqolaal qof oo ka mid ah Beesha uu Odayga u yahay oo maanta taageeradoodii isla soo garab-taagay Xisbiga KULMIYE. Isaga oo dadka beeshiisa ee weli Xisbiyada kale ee Siyaasadda sii taageersan ugu baaqay inay KULMIYE ku soo wareegaan. Waxa kale oo uu Maxamed Cabdi Arabay guud ahaanba Masuuliyiinta iyo taageerayaasha KULMIYE ugu baaqay inay dhexda u xidhaan sidii sannadkan KULMIYE talada dalka u hoggaamin lahaa, ugana guulaysan lahaa Xisbiga UDUB doorashada Madaxtooyada ee la filayo inay dalka ka dhacdo 26-ka bisha Juun ee foodda innagu soo haysa.Waxaanu dhalliilo u jeediyey Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumaddiisa, oo uu ku tilmaamay hoggaamiye isaga iyo Xukuumaddiisiiba lagu hungoobay.

Sidoo kale, Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee KULMIYE Muuse Biiixi Cabdi, oo isaguna Munaasibadahaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu filayo in tartan adagi Xisbiyada UCID iyo KULMIYE ee Mucaaridka ah ku dhexmaro doorashada Madaxtooyada ee u muddaysan 26-ka Juun, halka Xisbiga talada haya ee UDUB uu sheegay in kala daadsanaan badan ka muuqato, isla markaana waxa uu xusay inaanu UDUB kalsooni ta Mucaaridka la mid ah ka haysan dadweynaha reer Soliland. Waxaanu Muuse Biixi ku dooday inay Xisbiga UDUB ku soo hadheen xubno wasiirro ah, intii kale iyo Xiddigyadii la halgamay doorashadii horena ay intoodii badnayn xilligan ka mid yihiin Xisbiyada KULMIYE iyo UCID, halka inta ku hadhayna ka muquurteen ololaha xisbigaasi u baahan yahay. Waxaanu Muuse u mahadceliyey dadka maanta ku soo biiray oo uu sheegay inay in badan taageeradoodu ka maqnayd, balse ay maanta la garab-taagan yihiin KULMIYE.

Guddoomiyaha ololaha doorashada gobolada Galbeedka ee Xisbiga Kulmiye Baashe Cabdi Gaboobe oo isna halkaas ka hadlay ayaa si diiran u soo dhaweeyay taageerayaashan cusub ee maanta ku soo biiray xisbiga Kulmiye, waxaanu u soo jeediyay in ay meel uga soo wada jeedsadaan sidii uu xisbiga Kulmiye u gaadhi lahaa hamigiisa siyaasadeed ee ah in uu talada dalka gacanta ku dhigo si uu u badbaadiyo shacabka reer somaliland oo buu yidhi ay maanta noloshiisu meel hoose marayso.

Waxaana ka mid ahaa hadalladiisii oo uu yidhi Baashe Cabdi Gaboobe. "Mar haddii aad maanta cududDiinii iyo taageeradiinii aad muujiseen waad ku mahadsan tihiin, waana idin soo dhawaynaynaa, haddana waxaannu idin faraynaa oo aanu idinku adkaynaynaa in maalinta codbixinta aad si midaysan oo sidan maanta la mid ah ugu riddaan codkiina Xisbiga KULMIYE oo aadd muujisaan in aad tihiin taageerayaal uu ku faano Xisbiga Kulmiye," Waxa iyaguna halkaa ka hadlay xubno ka mid ah boqolaalka qof oo KULMIYE ku soo biiray, oo ku dooday inay udub ka dhex arki waayeen danohooda siyaasadeed,isla markaana ay door bideen inay kulmiye ka heli karaan. Sidaa daraadeedna, ay Xisbiga KULMIYE hiil iyo hooba la garab istaagayaan wakhtiga doorashada madaxtooyada.

Gebagabadii, Xoghayaha Warfaafinta iyo abaabulka Maxamed Cilmi Aadan (Maxamed-Ilkacase) iyo Axmed Muxumed Madar oo ka mid ah xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE ayaa xadhiga ka Jaray xafiis uu xisbigaasi ku yeelanayo Degmada Abaarso, ee Duleedka Galbeed ee Magaalada Hargeysa, hadallo koob-kooban oo ay halkaa ka jeediyeen, waxay ku sheegeen inay sannadkan rajaynayaan in Xisbiga KULMIYE doorashada Madaxtooyada ka soo hooyo guulo wax ku ool ah. Si taa looga rumeeyana waxay dadweynaha reer Somaliland oo ay sheegeen inay muujiyeen taageero ay la garab-taagan yihiin maanta ugu baaqeen inay taageerada KULMIYE ay u hayaan muujiyaan maalinta codbixinta doorashada Madaxtooyada ee 26-ka Juun.
User avatar
gurey25
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19349
Joined: Thu Apr 15, 2004 7:00 pm
Location: you dont wana know, trust me.
Contact:

Re: The Few Left in the UDUB Losers Party Defects to KULMIYE

Post by gurey25 »

rats fleeing a sinking ship.
User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: The Few Left in the UDUB Losers Party Defects to KULMIYE

Post by Cali_Gaab »

gurey25 wrote:rats fleeing a sinking ship.
I agree 100%. This doesn't do them nor Kulmiye any favours at all!
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: The Few Left in the UDUB Losers Party Defects to KULMIYE

Post by Siciid85 »

They are Sacad Muse - Reer Shirdoon anyways.
User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: The Few Left in the UDUB Losers Party Defects to KULMIYE

Post by Cali_Gaab »

Siciid85 wrote:They are Sacad Muse - Reer Shirdoon anyways.
What you trying to say Siciid?

Such a thing is expected of Sacad Muuse :lol: :lol:
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: The Few Left in the UDUB Losers Party Defects to KULMIYE

Post by Siciid85 »

Well what i am saying is i am not surprised afterall it's Sacad Muse supporters joining Kulmiye since 2003 so nothing is new here, i mean it would became a shocking or a surprise if it was another clan.
User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: The Few Left in the UDUB Losers Party Defects to KULMIYE

Post by Cali_Gaab »

Maxaa shocking ah if this is oodweyne:

Image

Shit, even David Beckham is Kulmiye:
Image
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: The Few Left in the UDUB Losers Party Defects to KULMIYE

Post by Siciid85 »

Lol you seemed to miss my point, my point was the supporters who defected were sacad muse as we know majority of sacad muse support kulmiye so it didn't came out as a surprise but rather the news you see everyday especially i have been hearing since 2003 a sub clan of sacad muse defected/joined - kulmiye :lol: , it would have came out as a surprise if it was different sub clan of different clan.
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: The Few Left in the UDUB Losers Party Defects to KULMIYE

Post by Siciid85 »

Cali_Gaab wrote:Maxaa shocking ah if this is oodweyne:



Shit, even David Beckham is Kulmiye:
Image
:lol:
Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: The Few Left in the UDUB Losers Party Defects to KULMIYE

Post by Goljano Lion »

Cali_Gaab wrote:
Siciid85 wrote:They are Sacad Muse - Reer Shirdoon anyways.
What you trying to say Siciid?

Such a thing is expected of Sacad Muuse :lol: :lol:
Cali G ma kubadaad na hor dhigaysaa, wasaq :lol: iska daa Saciid ku tufifimaynee, As we all know Udub party is dead
kolkaa Cali G ama Tacsi u dir am iska dhaaf
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: The Few Left in the UDUB Losers Party Defects to KULMIYE

Post by Siciid85 »

Goljano, war sxb bal xaal qaata if i offended beesha laakinse nothing wrong with stating who those defecters are.
Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: The Few Left in the UDUB Losers Party Defects to KULMIYE

Post by Goljano Lion »

Siciid85 wrote:Goljano, war sxb bal xaal qaata if i offended beesha laakinse nothing wrong with stating who those defecters are.
Saciid, :lol:
its Kaftan, you can say anything you want about Sacad Muse, we are not Like reer Jamac waal , you know what i mean
beside Kafatan , sxb wey U dhamaatay xisbigii Udub, you know Faisal might win the election who knows
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”