Wax-garadka iyo Odoyaal Ka Soo Jeeda Gobolka Hawd iyo Degmad

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Wax-garadka iyo Odoyaal Ka Soo Jeeda Gobolka Hawd iyo Degmad

Post by Siciid85 »

Image

Hargeysaa (Oodweyenenews)- Wax-garadka iyo Odoyaal ka soo jeeda Gobolka Hawd iyo Degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa, ayaa si rasmi ah u shaaciyey imay taageeradooda siinayaan xisbiga caddaalada iyo daryeelka ee UCID, isla markaana waxa ay ballan-qaadeen in iyaga oo ka wakiil ah dadka ku nool deegaanadaas inay codkooda siinayaan xisbiga UCID.

Waxaana ay sidan kaga dhawaaqeen xaflad ay maanta ku qabteen Hotel Hadhwanaag ee magaalada Hargeysa, oo ay ka soo qayb-galeen masuuliyiin sar sare oo ka socday xisbiga UCID, Wax-garadka, Odoyaasha, Aqoonyahanka iyo dhalinyarada deegaanka Balli-gubadle iyo Degmada Axmed Dhagax.

Gudoomiyaha ololaha doorashada ee xisbiga UCID Saleebaan Daahir Dogox oo halkaas ka hadlay, ayaa si weyn ugu mahad-celiyey garabka muhiimka ah ee ku soo biiray xisbiga UCID.

Waxaana hadaladsii ka mid ahaa oo uu yidhi “Waxa maanta farxad ii ah in maanta Axmed Dhagax iyo Gobolka Hawd in Wax-garadkoodii, aqoonyahankii iyo Odoyashoodiba inay maanta halkan ku sugan yihiin, iyaga oo muujinaya taageerada ay u hayaan xibsiga caddaalada iyo daryeelka ee UCID.”

Waxaana uu intaas raaciyey oo uu yidhi “Haddii aynu nahay degmada Axmed-dhagax, waxaa maanta sharraxan musharax reer Hargeysa, Nin walba-na marka koobaad waxa laga soo doortaa Gobolkiisa. Maanta haddii aydaan soo saarin musharaxiina oo aydaan u codayn waa mid aad qoomamayn doontaan. Sideed iyo toban sannadood ayay labada xisbi ee kale [UDUB iyo KULMIYE] ay talada dalka ku soo hawlanaayeen, halka ay maanta dhibaatooyinku marayaan waad ka war haysaan shaqada la’aanta jirta, biyo la’aanta, waddo la’aanta, caafimaad-darrada iyo inaan dhaqaale badan la gelin Gobolka Hawd iyo Degmada Axmed Dhagax-ba. Waxa aad xaqiina ku heli kartaan idinka oo u codeeya Kitaabka ilaahay ee uu ku baaqay in xisbiga UCID ku xukumayo Somaliland, haddii ku guulaysato doorashada madaxtooyada.”

Waxa uu weliba intaas ku ladhay oo uu yidhi “Waxyaabo badan ayaa keenaya ama inagu khasbaya inaynu codkeena siino xisbiga UCID, waa Diinta, Dadnimada, Jaarnimada, waa Tolnida iyo xididnimada-ba, meel allaale meel aynu uga baxnaa ma jirto. Waxa aan idin leeyahay barbarka ay ka baxdaa waa bakaylo-qaleene yaanay dhinaceena ka bixin. Waynu og nahayoo Degmada Axmed halka ay maanta codka siiso ayaa soo baxaysa, oo waa mid hubaal ah oo Degmada Axmed Dhagax ay ku muujisay halgannadii kala duwana ee waddanka loo soo galay, oo meesha uu Axmed-dhagax raaco ayay Guushu raacaysaa. Maanta haddii aynnu raacno xisbiga UCID waxaa hubaal ah inuu ku gulaysan doono insha’alaahu doorashada madaxtooyada.”

“26 June waa maalinta aynu doonayno inaynu codkeena ku ciil-baxno. Maalintii qoriga lagu dagaalamayay waynu soo dhaafnay oo baal-dahab ayaynu kaga naalaa, maanta-se waa maalintii qalinta, aqoonta iyo codka lagu dagaalamayay waa inaynu ka muuqanaa oo aynu ogaanaa halka uu codkeenu tegayo, waa inaynu la xisaabtanaa saddexda xisbi-ba waxa uu u hayo haddii ay beesha noqoto, degmo haday noqoto, Gobolka hadday noqoto inta-ba xaq ayaad u lee dihiin inaad kula xisaabtantaan.”

Waxa isu guna halkaas ka hadlay Oday Ismaaciil Maxamed oo ka mid ah Odoyaasha Degmada Axmed dhagax, waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay oo yidhi “Waxa weeyaan Diinta ilaahay ayaanu raacnay, maxaa yeelay iyada ayaynu ku tukanaa oo aynu ku dhaqanaa oo aynu ku dhalan-nay. Haddii aanu nahay Degmada Axmed dhagax iyo Gobolka Hawd gaar ahaan deegaanka Balli-gubadle, annaga oo intaas ka soconaa waxa aanu raacnay diinta iyo deriska, iyo dalka iyo dadka waxa wanaajinaya. Waxa aanu raacnay xisbiga UCID, oo aanu leenahay sidaas aynuu ilaahay nagu ogyahay annaga iyo dad-ka yagaba.”

Odoy Cabdi Xaashi Maax oo isna ka mid ah odoyaasha Gobolka Hawd [Balli-gubadle], oo halkaa ka hadlay ayaa isna yidhi “Odoyaasha Degmada Axmed Dhagax iyo Gobolka Hawd markii ay wada hadleen ee ay tashadeen, waxa ay isla garteen barri iyo galbeed-ba inaanay reerka mid-ba u dool-qaadin, maxaa yeelay Dumbuluq ayay xareedu wadhan tahay. Xisbiga UCID la yidhaahdo iyo musharixiintiisa, ayaa Odoyaasha Waaxda Axmed Dhagax waxa ay is la garteen in codka la siiyo, iyaga oo wax badan eegay oo diinta, deriska iyo dadnimada-ba eegay waxa ay go’aamiyeen in Degmada Axmed Dhagax iyo Gobolka Hawd-ba uu codka siiyo xisbiga UCID.”

Waxa isaguna halkaas ka hadlay Oday Cismaan Cabdi Ebyan, Jaamac Iidaan iyo Naasir Xareed, oo hoosta ka xariiqay inay taageeradooda si buuxda u siinayaan xisbiga UCID, oo ay ku tilmaameen ka wax badan ka qaban karaya dhibaatooyinka halakeeyay deegaanada ay ka soo jeeda, isla markaana waxa ay tilmaameen inay dooranayaan diinta uu ku baaqay xisbiga UCID.

Waxa kale oo iyaguna halkaas ka hadlay Dr. Cali Dhoola-yare oo ah Xoghaya caafimaadka iyo shaqabada ee xisbiga UCID, Gudoomiyahaha Gobolka Maroodi-jeex Salaax Muxumed Idiris iyo Maxamed Xasan Khayre oo ka mid ah Golaha dhexe ee xisbiga UCID, oo dhamaantood si weyn ugu bogaadiyey garabka miisaanka leh ee ku soo biiray xisbiga UCID, iyaga oo tilmaamay in xibiga cadaalada iyo daryeelku uu yahay ka keliya ee waddanka ka saari karaya dhibaatooyinka ku habsaday ee sida xun u wiiqay nololsha bulshada reer Somaliland, isla markaana waxa ay xuseen inay xaqiiqo tahay in waddankan lagu xukuki doobo shareecada Islaamka.

Oodweynenews.com/Hargeysa Office
User avatar
hargaysaay
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8453
Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.

Re: Wax-garadka iyo Odoyaal Ka Soo Jeeda Gobolka Hawd iyo De

Post by hargaysaay »

:clap: :clap: :clap: :clap: :clap: :clap:
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Wax-garadka iyo Odoyaal Ka Soo Jeeda Gobolka Hawd iyo De

Post by Siciid85 »

:clap: :clap: Mashallah.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”